Degmada Wanlaweyn oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha xalay waxaa lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa degmadaasi, kaasi oo lagu magacaabi jiray Macalin Maxamed Cabdi (Macalin Jeelle).
Koox hubeysan ayaa Nabadoonka gurigiisa ku dhex dishay, xilli saq dhexe ah, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka, gaar ahaan dad deris lahaa Marxuumka la dilay.
Nabadoon Maxamed Cumar oo ay ehel yihiin marxuumka dhintay ayaa Risaala u sheegay inuu banaanka u soo baxay marka uu rasaasta maqlay balse Ciidan dares wata oo hubeysan ay ku amreen inuu gurigiisa ku laabto hadii kale dhibaato loo geysan doono.