Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay shirka Garoowe

0
24

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay shirka ay magaalada Garowe ku leeyihiin madaxwaynahya dalka, Ra’iiusl Wasaaraha iyo madaxda dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa madaxda ugu hambalyeeyay shirka ay uga tashanayaan aayaha dalka, waxa uuna rajeeyay in shirka ay kasoo baxdo natiijo wanaagan oo wax ka tarta mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku tilmaamay shirkaas mid si guul ah ku socda, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbayday inay garab istaagaan madaxda dalka una duceeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here