XUKUUMADA KHEYRE OO ANSIXISEY MIISAANIYADII UGU DANBEYSEY MUDO XILEEDKEEDA

0
15

Xildhibaan mahad Salaad aya sida ku daabacey boggiisa wajiga furan

Golaha wasiirada XF Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay miisaaniyaddii ugu dambeysay ee Xukuumada Nabad iyo Nolol inta waqtigeeda ka haray ku shaqayn lahayd ee sanadka 2020 taasi oo dhan $470 Milyan.

Nasiib daro sadexdii miisaaniyad sanadeed ee 2017, 2018 iyo tan 2019 oo hada gabangabo maraysa xisaab xirkoodii Xukuumadu wali sooma dhamaystirin si goleyaasha barlamaanku u ansixiyaan. Halka malaayiin lacag ah oo Xukuumada soo gashay ilaa hada la aqoon la’yahay meel ay ka baxday sida hantidhowrka guud ee qaranku sheegay.

Hadana waxay ku faanayaan isla xisaabtan, daahfurnaan iyo amaano oo dhamaantood ah erayo macaan lkn micno ahaan iyo miisaan ahaanba maran!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here