XOG:Wasiir Hore Isku Casilay sabab kusaabsan Rooboow Oo Mar Kale Kheyre Xil Umagaacabayo

0
14

Dawlada Soomaaliya ayaa hadba Jaan goynta Siyaasada Dhinac ka eegeysa,iyadoo lagu saleenayo Sida Xaalka uu ku degi karo.

Bilowgii Qalalaasihii Doorashada Koonfur Galbeed waxaa jiray guux badan iyo Olole doorasho oo aad u ballaarnaa.

Doorashadaasi oo 19 Bisha December 2018 dhacday waxaa kusoo baxay C/casiis Lafta gareen oo Dawlada FS Wadatay inkastoo Rooboow loo taxaabay Xabsi ilaa haddana uu xiran yahay.

Abu Mansuur ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka aadka loogu saadaalinayey doorashada,balse wixii Dhacay waa tii aad aragteen Ee Qaramada Midoobeey Saacado ka hor Warka cusub kasoo saartay.

Qalalaasahaas waxaa isku casilay C/fitaax Geeseey oo ahaa Wasiir katirsanaa Xukuuamda Soomaaliya Eedeyna ujeediyey Markaasi Dawlada Dhexe.

Hadaba C/fitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey) oo ah Xildhibaan Hadda ayaa mar kale xil loo magacaabi doonaa sida aan xogaha ku ogaanay.

Mr Geeseey oo Hore usoo noqday Gudoomiyihii Gobolka Bay ayaa dhawaan kasoo muuqday isagoo hareer socda Ra’iisal Wasaare Kheyre markii ay gaareen Degmada Bardaale.

Ilo wareed hoose aan helnay ayaa sheegaya in mar kale uu isku soo dhawaanshiyo ka dhex abuurmay Kheyre iyo Geeseey oo Xaalada la dejiyey Xil in lagu sharfana lagu ballamay,balse Jagadaas ayaan la ogeyn.

Isku shaandheyn ayaa Jiri doonta sida la qorsheeyey Xukuumada Wasiirada qaarna booska ay ka bixi doonaan kuwo uu Geeseey ku jirana ay imaan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here