Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Tebiyenews ayaa sheegaya in Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo in mudo ah diidanaa in uu aqoonsado hogaanka Madaxweyne Axmad Madoobe uu ugu danbeeyntii maanta u sheegay Beesha Caalamka in uu ka tanaasulay fakarkiisii ku aadanaa Madaxweyne Axmad Madoobe, isla markaana u diyaar u ahay in uu la kulmo Axmad Madoobe.
Ma aha in uu jiro garasho ama dareen ka yimid Farmaajo laakiin waa culays ay saareen Beesha Caalamka. Madaama shirka dowlad goboleedyada oo la filayo in uu ka dhaco Xarunta Xalane, isla markaana uusan is-hortaagi karin, ayaa Farmaajo waxa uu ku qasbanaaday in uu aqbalo in uu shirk ka qayb galo, isaga oo afkiisa ka sheegi doono in uu aqoonsan yahay dowlada Jubbaland iyo hogaanka Madaxweyne Axmad Maxamed Islaam (Axmad Madoobe).
Qoraal uu Farmaajo galabta u qoray beesha caalamka ayuu ugu sheegay in uu si sharuud la’aan ah ula kulmi doono Axmad Madoobe, kulankana uu ka bar-bar dhici doono shirka dowlad goboleedyada ee lagu wado in uu ka dhaco magalaada Muqadisho asbuuca soo socda. Dhanka kale Farmaajo ayaa lagu qasbay in uu isagu u diro beesha caalamka iyo dowlad goboleedyadaqoraal casuumad rasmi ah uu ku martiqaadayo inay ka soo qayb galaan shirka ka dhacayo Muqadisho. Qoraalka uu dirayo dowlad Goboleedyada waxaa ku jiri doono warqad uu u qorayo Madaxweyne Axmad Madoobe, isaga oo ku casuumayo mansabkiisa in uu uga soo qayb galo shirkaas.
Talaabada uu maanta qaaday Farmaajo ayaa waxaan shaki ku jirin in ay ka xanaajin doonto ciidankii iyo shacabkii uu beenta ku dagaal galiyay islamarkaana uu cuqdada kala dhex-dhigay, gaar ahaan shacabka reer Gedo iyo beesha uu ka dhashay ee Mariixaan.