XOG:Maxaa kamid ah dacwada Deni iyo Madoobe beesha caalamka u gudbiyeen oo kusaabsan DF

0
11

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa halkaas ka wada kulamo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaaladda Nairobi kula kulmay Safiirka Dowladda France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Aline Kuster-menager.

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen Qunsulka Safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Emmanuel Dagron-Halim iyo Masuuliyiin ka tirsan Puntland, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda.

Madaxweyne Deni ayaa horey waxaa uu ula kulmay Safiirada dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska,iyaga oo ka wada hadley arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo Amniga.

Sidoo kale, Axmed Madoobe,madaxweynaha Jubbaland ayaa dhankiisa la kulmay Safiirada Beesha caalamka Soomaaliya u jooga magaalada Nairobi,wuxuuna kala hadlayaa sidii taageero loo siina maamulkiisa Jubbaland.

Puntland iyo Jubbaland ayaa khilaaf adag kala dhaxeeya Dowladda Federaalka,kaas oo salka ku haya arrimaha dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here