Ammaanka xarunta Xalane iyo guud ahaan Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay,waxaana la kordhiyay ciidanka booliska iyo nabad sugida ka tirsan ee halkaas ilaaliya.
Waxaa gabi ahaanba loo diiday dadweynaha xilliyada habeenkii ah ku Aalamiinteeya agagaarka garoonka diyaaradaha,kuwaas oo marka ay soo afuraan halkaas u nasasho tago.
Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa shakadda Badweyn u sheegay in Hay’adaha ammaanka ay heleen xog sheegeysan weeraro Al-Shabaab la damacsan yihiin xarunta Xalane.
Labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxaa hoobiyaal lagu garaacay gudaha xarunta Xalane,waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegtay Ururka Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka ayaa lagula taliyay iney ilgaar ah ku eegto Hoobiyaasha lagu garaacayo xarunta Xalane oo ah goob ay degan yihiin Hay’adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.