XOG:Axmed Madoobe oo guul kala soo laabanaya Nairobi & Villa Somalia oo loo heshiiyay

0
12

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa iska fur furay culeyskii siyaasadeed ee ka heystay mucaaradka Jubbaland,wuxuuna dib ugu soo laabanayaa Kismaayo isagoo wax wel wel ah qabin marka laga reebo Khilaafka Dowladda Federaalka oo culeys siyaasi u buuran ku heyn.

C/naasiir Seeraar oo ahaa mucaaradkii ugu weynaa ee Axmed Madoobe ayaa hadda heshiis la galay Axmed Madoobe,wuxuuna ku qancay qodobo la soo hordhigay oo qaarkood uu kaga maqnaa maamulka Jubbaland,sida ay inoo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Odayaal isku heyb yihiin C/naasir Seeraar ayaa ku qasbay inuu la heshiiyo Axmed Madoobe cadow badan isku baheysteen si horay loogu sii socdo,wuxuuna aqbalay codsiga reerkiisa kaga yimid.

Lama oga go’aanka uu qaadan doono Xildhibaan C/rashiid Xidig oo isagana ah mucaaradka Axmed Madoobe ee ku heysto magaalada Kismaayo,waxayna saaxiibo dhow ay wada ahaayeen C/naasir seeraar oo  hadda u weecday dhanka Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Dowladda Itoobiya ayaa dagaal siyaasadeed oo aad u adag kula jirta Axmed Madoobe,kaas oo la ogeyn halka uu ku dambeyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here