XOG YAAB LEH: SHIRKADA SHIDAALKA SPECTRUM OO SHAACISEY IN HEEBAHA SOOMAALIYA LAGA HELEY 30 BILYEN BARMIIL OO SHIDAAL AH

0
137


Shirkadda Spectrum ayaa shaacisay in laga helay shidaal gaaraya 30 billion fuusto xeebaha Soomaaliya, shirkadda ayaa shaacisay goobaha ugu filashada wanaagsan isla markaana lagu qeexay calaamadaha ay qariiradda xeebaha maamul gobolleedyada shidaalka laga helay, xirmooyinka ugu horreeya ee kaydka shidaalka ku jiro ayaa ah 15 xirmo, waxaana lagu suuq gaynayaa Magaalada Houston Gobolka Texes ee dalka Mareykanka dhammaadka bisha Octobar ama billawga Novembar ee sanadka 2019.
Ogolaanshaha saxiixa xirmooyinka lagu qodayo ayaa gaaraysa sedex Million doolar halki xirmo, shirkadaha shidaalka ayaa xiiseynaya in ay maalgashadaan xirmooyinka ku aadan maamul gobbolleedyada kala ah, Koonfur-Galbeed 3 xirmo, Hirshabeelle 4 xirmo, Galmudug 4 xirmo, Jubaland 3 xirmo, iyo Gobolka Banaadir 1 xirmo, dowladda federaalka ayaa ka helaysa dakhliga ugu horreeya ee ka yimaada shidaalka, islamarkaana gaaraya $45 million, qarashkan ka imaanaya saxiixa ogolaanshiyaha qodista shidaalka ayaa qaybsanaya maamul gobolledyada shidaalka laga helay iyo Dowladda Federaalka.
Sida ku cad Dastuurka JFS qodobkiisa 44-aad Dowladda FS iyo maamul gobolledyada ayaa ka wada xaajoonaya qaybsiga kheyraadka dabiiciga ah ee uu shidaalka kamidka yahay, wafdiga isku dhafka ah ee ka kala imaanaya maamul gobolledyada iyo Dowladda Federaalka ayaa la filayaa in ay dhawaan u kicitamaan dalka Mareykanka, xubno kasocda maamul gobolledyada ayaa lagu wadaa in ay ka qaybgallaan suuq gaynta shidaalka si loogu dhiirri galiyo shirkadaha in ay ka howlgalaan xeebaha ay maamulaan.
Kulanka ka dhacaya magaalada Houston ayaa lagaga heshiinayaa qodobada gundhigga u ah, sida qarashka ku baxaya Shidaal soosaaridda (cost of production), saami qaybsiga, canshuurha, sooryada (royalty) muddada heshiiska iyo damaanad-qaadka fayo-dhowrka deegaanka, waxaa kaloo kusii dhex jiraya heshiiska guud mashaariic dheeraad ah oo ay kamid yihiin horumarinta dadka iyo deegaannada, keydka shidaalka ku jira guud ahaan soomaaliya bad iyo berri ayaa lagu qiyaasayaa 110 Billion oo fuusto.
Shirkan ayaa noqonaya tijaabo wada-shaqayn ah ee ka dhaxeysay maamul gobolledyada iyo Dowladda Federaalka, islamarkaana ay indhaha ku hayaan shirkadaha shidaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, inkasto M/Gobolledyada qaarkood ee shidaalka laga helay ay u dheganugul yihiin wada-shaqaynta dowladda federaalka.
Dowladda Federaalka ayaa aa u danaynayso in shidaalka dalka lasoo saaro muddo kooban gudahood si loo kobciyo dhaqaalaha dalka islamarkaana la sameeyo shaqo abuur badan dhallinyarada, inkastoo ay jirto walaac laga qabo in la lunsado ama la musuqmaasuqo dakhliyada ka yimaado shidaalka, Soomaliya ayaa 10 sanno ee lasoo dhaafay kaga jirtay kaalinta kowaad ee liiska dowladaha ugu musuqa badan ee aduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here