XOG YAAB LEH: AQOON YAHANO SU’AAL KA KEENEY IIBKA SAFAARADA US

0
19

27 Setember 2019, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu Magaalada Washington D. C., caasimadda dalka Mareykanka xariga ka furay dhismo, guri la yiri waxaa gatay Dowladda Soomaaliya, waxaana loogu tala galay inuu noqdo Xafiiska Safaaradda Soomaliya. Guud ahaan shacabka soomaaliyeed waa ku farxaya in Soomaaliya ku yeelato hanti dalka mareynkanka, haseyeeshe waxaa xaqiiqa ah in dhismo ama guri aan laheyn dowlad taabbagal ah, haysata kalsoonida shacabka soomaaliyeed, ku dhaqmeysa u hoggaansan dastuurka iyo sharciga iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo sida daahfuran iyo runsheeg, aqoonsan marxaladda dalku ku jiro ay dhibaato badan ka dhalan karto.
Tusaale ahaan, furitaanka ka hor, ma jirin war rasmi ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo tan Maaliyadda iyo guud ahaan Dowladda Dhexe ka soo saartay arrinta guriga.
Habkee loo maray Iibka guriga?
Guddiga wax iibsiga dowladda ma ansixiyay?
Iibka guriga ma ku jiray Miisaaniyadda 2019?
Intee yahay qiimaha guud ee guriga? Ma runbaa qiimaha 4.5 Milyan?
Ma la wada bixiyay qiimaha guriga?
Mise waxaa jira deyn taagan?
Ma jirtaa in hanti soomaalidu laheyd ee la gaday?
Sooma habboona in barlamaanka, warbaahinta, iyo shacabka soomaaliyeed loo sheego inta aan hay’adaha caalamiga ah ka hadlin?
Dowladdu ma ku tala gashay kharajka joogta ee guriga ku baxaya ayadoo miisaaniyadda dowladda 54% kaalmo shisheeye tahay?
Ma laga wada hadlay in la gaaray waqti dowladda federaalka ka iibsato dalka dibeddiisa hanti ma guurta ah ayadoo aan weli xal laga gaarin deyn cafin iyo fidinta adeeg bulsho iyo nabadgelyo?

Dr Maxamud Culusow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here