Xisbiyada mucaaradka ee dalka ka dhisan ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in xilka looga qaado Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay ku eedeeyeen inuu hormuud u yahay caburinta iyo bahdilaadda lagu hayo madaxdii hore ee dalka soo martay.
Xubno ka tirsan Xisbiyada mucaaradka ayaa sheegay iney socdaan kulamo looga arrisanayo xaaladda dalka iyo waliba sidii isbedel loogu sameyn lahaa xukuumadda dalka ka jirta oo ku kaceysa gabood falo iyo ku xadgudub dastuurka dalka u yaalo.
Sidoo kale, shirarka ayaa waxaa barbar socda soo jeedin ay qabaan Xisbiyada oo ku aadan ineysan dalka ka sii shaqeyn karin xukuumadda Xasan Cali Kheyre,islamarkaana loo baahan yahay in xilka laga tuuri si isbedel siyaasadeed oo dhaqan gala dalka looga dareemo.
Xildhibanaada Labada Aqal ee mucaaradka ka tirsan ayaa diyaarinaya mooshin ka dhan Xukuumadda Kheyre,kaasi oo la horgeynayo Baarlamaanka Soomaaliya si ay cod ugu qaadaan.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa qaba aragtida ah in qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jiro uu daaha gadaashiisa uu ka hagayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,islamarkaana uu bixinayo amarada lagu bahdilayo madaxdii hore ee dalka soo martay iyo siyaasiyiinta dhaliilsan xukuumaddiisa.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay ineysan dooneyn la kulmida shaqsiyaadka ka horeeyo madaxda dalka balse ay u baahan yihiin iney la hadlaan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya si ay ugu gudbiyaan dhibaatada ay qabaan.