XOG XASAASI AH:WAX KA OGOW NOOCA DOORASHO DOWLADA FEDERALKA SOOMAALIYA U QARSOON 2020 EE AAN EHEEN 4.5

0
75

Somaaliya waxay ku heshiisey in laga baxo Nidaamka 4.5, kadib Doorashadii Dadbaneyd ee 2016-kii iyadoo loo gudbayo nidaam Doorasho oo ku dhisan hanaanka Qof & Cod iyo nooc Doorasho oo loo siman yahay.

Marka la eego waqtiga yar ee haray, Duruufaha Amni iyo Dhaqaale ee Dalka ka jirra, xiligaan suurta-gal ma tahay in laga gudbo 4.5 iyadoo loo guurayo hanaan qof iyo cod ah.

Inkastoo aan weli la qeexin Nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa 2020-2021 hadane waxaa lama dhafaan ah in la helo Hannaan Doorasho oo si ogol ah loogu wada qanacsanyhy.

Hadaba waxaa jirra Nidaamyo Doorashooyin oo kala duwan kuwaa oo Caalamka looga dhaqmo waxaana ugu waaweyn saddex nidaam Doorasho oo kala ah.

  • Hanaanka ku dhisan matalaada isku Dheelli-tiran (Proportional representation), waa Nidaam Doorasho oo looga dhaqmo meelo badan oo Dunidda ah, waa nooc ku fiican awood qeybsiga & Dalalka ka soo kabanaya Colaadaha oo u gudbaya Dimoquraadiyad iyo Dowlad wanaagga.
  • Nooca Doorasho ee kale, waa hanaanka loo yaqaano (First Past The Post – FPTP or the winner take all) oo ka dhigan Kii ugu cod bataa leh kursiga, Waa Nidaam Doorasho oo ku dhisan aqlabiyada ama cod-dheeri, Nidaamkan Doorasho uma fiicna Dowladaha ku cusub Nidaamka Dimoqraadiyadda iyo Dalalka curdanka ah ee ka soo kabanaya colaadaha oo aan lahayn hay’ado sal-adag.

*Nidaamka 3-aad ee loo yaqaano hanaanka isku dhafka “Mixed Member Proportional ”(MMP); waa nidaam doorasho oo looga Dhaqmo Dalal badan oo Dunidda ah, wuxuu ka koobanyahay Nidaamka matalaadda (proportional representation PR) iyo kan aqlabiyadda (First Past The Post –(FPTP) oo isku milan.

Saddexda hannaan Doorasho mid waliba waxaa jira faa’iidooyin iyo caqabado isku dhaf ah oo ku Xeeran.

FG: Somaaliya Doorashooyinkii horay looga qabtay kadib Oct 1958; March 30, 1964; March 26,1969, Dhamaan waxay ahaayeen nooca Matalaadda isku dheelitiran & kuraasta Baarlamaanka Closed list)

Nidaamkan waa midka adduunka ugu caansan waxaa isticmaala in ka badan 89 Dawladood oo ka dhigan 46% Dawladaha xorta ah ee Dunidda.

Tusaale Dalalka Belgum, Denmark, Finland, Greece, Hungary, Italy, Luxembourg, Norway, Russia, Spain, Sweden, Switzerland & IWM.

Aragtidaada, Maxuu yahay nooca Doorasho ee ku haboon Somaaliya?

Xigasho: wariye Sare Mahad Bashiir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here