XOG XASAASI AH:ABUU MANSUUR HALIS UGA JIRA WEERARKA ALSHABAAB IYO DF LAGA YAABO IN…

0
100

Waxaa la sheegayaa in Sheekh Mukhtaar Roobow laga saarey xaruntii Nabad-sugidda ee uu ku xirnaa, waxaana loo wareejiyey, sida la hadalhayo, XABSI GURI.

Mukhtaar Roobow waa hogaamiye ka go’ay kana baxay ururka Al-Shabab iyo mabda’a ay aaminsan yihiin. Wuu la dagaalamey in badan ilaa iyo hadda ciidandiisa dagaal ayey kula jiraan al-Shabaab. Waxaana cad in Shabaabka ay rabaan in ay qaarajiyaan/dilaan Roobow, waayo waa hogaamiye ku xeel-dheer tabta ay u howlgalaan iyo sidey u dagaalamaan Al-Shabaab. Sidoo kale Roobow wuxuu ku hanjabey in uu baabi’inaayo Al-Shabaab haddii uu hoggaanka KGS qabto.

Waxaa la is-weydiinayaa sababta Dawladda Federaalka ay uga soo saartey Roobow xarunta Nabadsugidda oo ay guri amaankiisa aan adkeyn u dejisey.

  1. Dawladda Federaalka maxay si toos ah uga deyn weysey Roobow, xuriyadiisana u siin weysey?
  2. DFS maxay halkii uu ku jirey Roobow uga ogolaan weysey in uu ku helo xuriyad oo uu kula kulmo faamilkiisa, siyaasiyiin iyo madax kale, maadaamaa halkiis amnigeeda aad loo sugo?
  3. DFS ma waxay damacsantahay in Roobow lagu waxyeeleeyo ama qaarajiyo meel aan amnigeeda aad u sugneen?
  4. Sida la sheego waxaa isku milmey laamaha amniga DFS iyo Shabaab, sidaas darteed Shabaabka maa dalbadey in Roobow laga dhigo xabsi guri, oo ay iyagana halkaas ku weeraraan Roobow?

Su’aalahaan iyo kuwa badan ayey isweydiinayaan shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, laakiin Allaa og waxa dhici doona iyo sida ay damacsan yihiin madaxda sare ee DFS.

W/Q aqoonyahan Ibrahim Bule

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here