XOG XASAASI AH YOGA MA CIYAARBAA MISE WAA CIBAADO DAD KALE

0
18

MUUQDISHO(TEBIYENEWS)-Waxaa soo baxaya siro badan oo kusaabsan Ciyaarta loo yaqaano YOGA in ay ciyaar jimcsi tahay iyo in ay Cibaado tahay
Culimada Islaamka Qaarkood ayaa Diidan Ciyaartaan ayagoona kusifeeyey in ay Tahay cibaado ay ku cibaadeystaan dad aan muslim eheen.
Dr. ZAKIR NAIK oo ah caalim si weyn loogu yaqaano dunida muslimka una dhashey dalka Hindiya ayaa sheegey in ay xaaraamtahay Yoga isagoona sheegey in muslimiinta Jimicsi ugu filan yahay Salaada alle oo si wanaagsan loo dukado.
Dalka soomaaliya ayaa waxaa Todobaadkaan lagu Xusey Ciyaarta YOGA DAY oo lagu xuso wadamo badan oo caalamka.
Xaflad lagu xusayo YOGA DAY ayaa todobaadkaan kadhcdey Magaalada Garowe waxaana soo qaban qaabiyey wasaarada Haweenka iyo Safaarada India.
Xaflada waxaa ka qeyb galey Madaxweynaha maamulka Puntaland Saciid Cabdullahi Deni isagoona Ciyaarta Yoga kaqeyb galey Jimicsigeeda.
Dhanka kale magaalada muqdisho ayaa lasheegey in xus kaas lamid ah lagu sameeyey waxaana durba qayla dhaan kasoo yeertey Aqoonyahanada Islaamka ayagoona umada soomaaliyeed uga digey in ay kafogaadaan ciyaartaas maadama looga shakisan yahay in ay Cibaado tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here