Xog xasaasi ah: lacag lagu qabtey Garoonka muqdisho oo khilaaf dhelisey

0
17


ciidamada amaanka garoonka Diyaaradaha Adan Cade ayaa lasheegey in ay gacanta ku dhigeen Boorso ku jirtey lacag badan oo lagu qiyaasey boqolaal kun oo dollarka mareykanka ah.
Teliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegey in diyaarada lacagtaan sidey ay ka timid dalka kenya isla markaani ay baaris dheeraad ah wadaan.
ilo wareedyada qaar ayaa tibaaxaya in lacagtaan loo wadey Teliyihii hore ee gobolka Banaadir Sadan Joon.

ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in lacagta ay isku khilaafeen Madaxda Sare ee Dowlada cida lawareegeysa masuuliyada lacagtaas.

Teliska NISA ayaa lasheegey in ay ku kala qeybsameen kadib markii uu soo jeediyey Teliyaha Hay’ada Fahad Yaasiin in lagu soo wareejiyo lacagta iyadoo xogtu sheegayso in uu ku gacan seerey Teliyaha Dabagalka Cabdullahi Dheere.

Teliyaha Dabagalka ayaa lasheegey in uu qoonsadey habka loo maamuley lacag 9-malyan ah oo horey ula wareegtey hay’ada Nabad sugidda taas markii danbe si qaldan loo isticmaaley.
muranka oo gaarey madaxweynaha DF ayaa lasheegey in madaxweynahu uu ku raacey mowqifka Teliyaha Dabagalka, ayadoo lasheegey in Fahad Yasiin iyo Kulane Jiisna isku aragti ka noqodeen sida laga yeelayo lacagtaas.

lacagta ayaa weli taalla saldhiga Booliska Garoonka Diyaaradaha waxaana warku sheegaya in lacagta lafasixi doono Goor dhow ayadoo warkana loo dhigi doono in lacagtu ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here