XOG XASAASI AH: BEESHA CAALAMKA OO HOOS UDHIGTEY AWOODA FARMAAJO, KUMEELGAAR DADBANNA GELISEY DOWLADIISA MUDADA U HARTEY .

0
121

Wararka ka imaanaya magaaladaa Nairobi ayaa shegaya in beesha caalamka shirar goos goos ah halkaasi maalmihii ugu socdey ayaa lagu soo waramayaa ingo’aan laga soo saarey beesha caalamka ayaa lasheegayaa in ay aad u dhaliilsantahay walaac xoogana kamuujineyso khilaafka sanad jirsadey ee udhaxeeya maamulada dalka iyo sida dowlada federalka ah ay ugu guul dareysatey in ay isku keento siyaasiyiinta iyo madaxda maamulgaboleydyada.

Intuu shirka socdey ayaa lagusoo waramayaa in dowlada federalka eed dusha loo saariyey kadib markii dowlada federalka lasheegey in ay isku dayeyso wax waliba in ay xoog kuxaliso waa sida hadlaka loodhigaye.

Qaar kamid ah safiirada dowladaha reer galbeedka ayaa lasheegey in aay si xoog badan udhaliilayaan habdhaqanka dowlada federalka iyo ixtiraamdarada ay kula kacdey xubnaha beesha caalanka ee soomaliya ujooga in ay caawiyaan.

Beesha caalamka ayaa isku raacdey in guddi dhaxdhaxaad ah loo saaro kaas oo sida ay sheegtey daba gal kusameyn doona heshiisyadii hore cida kabaxday, sidoo kalana labada sano ee soosocta in road map loosameeyo qaabkii ay doorasho udhici leheed.

Wakiilaada beesha caalamka oo kala ah midowga afrika, qara,mada midoobey, IGAD iyo safaaradaha reer galbeedka qaar kamid ah ayaa si isku mid ah u ansixiyey in labada sano ee soo soctota kumeel gaar lagu celiya dowlada farmaajo wayna ku sababeeyeen hadii aan sidaa lasameyn in ay xoogeysan doonaan kooxda nabadiidka ah.

Xukuumada farmaajo ayaa lagu eedeeyey in ay leedahay astaan keli telisnimo aha kaas oo beesha caalamka aad ugu soo horjeedaan waxaana lasheegaya in ladhimi doono awooda madaxweynaha soomaliya tab bedelkeedana lasmeen doono madal wada teshi oo loodhan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here