Doorasho xamaasadeeda leh ayaa kasocota magaalada Kismaayo waxaana kusii qul qulaya wufuud kala duwan oo ka kalasocota dowlada soomaaliya iyo beesha caalamka.
Guddiga Doorashada madaxbanaan ee Jubaland ayaa soo gaba gabeeyey wajigii 1aad ee doorashada taas oo eheed soo xulista xildhibaanada baarlmaanka 2aad ee Jubaland,ayagoona u gudbey wajigii labaad ee doorashada kaas oo lagu dooran doono guddoonka Baarlmaanka Jubaland oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland
Qaar kamid ah warbaahinta madaxbanaan ayaa ukuur gashey in ay wax ka ogaato cidda lafilaayo in ay ku soo baxdo Afhayeenka Baarlmaanka Jubaland oo lafilaayo in ay ka dhacdo 17 bishan oo ku beegan maalinta sabtida ee fooda nagu soo haysa.
Afhayeenkii Hore ee Baarlmaanka Jubaland Sheekh Cabdi Maxmed Cabirahmaan ayaa hada u muuqda in uu dib ugu soo laaban doono kursiga guddoonka sida ay noo xaqiijiyeen xubno katirsan baarlamaanka cusub ee Jubaland kuwaas oo sheegey in xitaa aysan dooneyn in lala tartamo Gudoomiyaha ayagoona sababeeyey.
Xubnahan cusub ee xildhibaanada Jubaland ayaa sheegey in guddoomiyihii hore uu leeyahay sifooyin 5 ah, kuwaas oo ku kalifaya in ay doortaan markale;
- Waa marka 1aadee Guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Jubaland waa shaqsi qunyar socod ah, isla markaana aanu dhib badneyn.
- Waa waayo arag khibarad buuxda u leh hogaanka baarlamaanka Jubaland afartii sano lasoo dhaafeyna waxbadan ka korarsadey.
- waa shaqsi usoo halgamey in Jubaland dhisanto
- waa shaqsi kashaqeeya mdnimada Jubaland una dhexeeya dhamaan xubnaha baarlamanka Jubaland.
- waa dal joog xog ogaal u ah siyaasada soomaaliya iyo dhaqankeeda
qodobadan ayey sheegeen in ay kadhigeyaan in uu ku guuleysto codka xildhibaanada Jubaland markale ayagoona hada sheegey in uu heesto kudhowaad 80% cododka xildhibaanada Jubaland.
Dhinaca kale madaxweynaha Jubaland ayaa lasheegey in uu taageero buuxda u haayo Guddoomiyahiisii hore isagoona xubanaha baarlamaanka qaar ka codsadey in fursad kale lasiiyo afhayeenka.
