XOG: Wasiiro laga soo eryay Xafiiska Duqa Muqdiso & Khilaaf ka dhashay

0
10

Khilaaf xooggan ayaa ka dhex jira wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Wasiirada ayaa ka carooday xayiraad laga saaray dano badan ay ka lahaayeen maamulka gobolka Banaadir oo ay ka mid tahay in loo diiday in loo shaqaaleysiiyo dhalinyaro ay wateen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa is hortaagay qorshe mudo soo socday oo ah Wasiiro waxay doonaan ka fushan jiray Xafiiska gobolka Banaadir.

Wasiiradan ayaa hadda qorsheynaya iney dacwad ka gudbiyaan Duqa Muqdisho,waxaana socda dadaalo lagu dhex galayo arrintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here