Xog: Wasiirka gaashaandhiga oo shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii wasaaradda

0
53

Sida ay ogaatay Badweyn Online, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa shaqo joojin ku sameeyay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan.

Warqadda shaqada looga joojiyey agaaasimihii guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga  ayaa Shalay kasoo baxday xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka ayaa Agaasimihii guud ee shaqada laga joojiyey ku eedeeyey takri fal awoodeed, wax isdaba marin iyo xagal daacin la xiriirta arrimaha dib u habeynta ciidamada, inkasta oo wax caddeyn ah aanu soo bandhigin.

Xog: Wasiirka gaashaandhiga oo shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii wasaaradda

Jihaan Cabdullaahi ayaa la sheegaa inay tahay gabar shaqo wanaagsan oo isbeddel weyn oo wanaagsan ku sameysay howlaha wasaaradda muddadii ay xilka haysan, waxaana shaqo joojinta ay noqotay mid lama filaan ah.

Horey waxaa u jiray khilaaf ka dhex-oogan Jihaan iyo xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha, mana cadda in shaqo joojintan ay arrintaas ku lug leedahay iyo in kale.

Warar kale ayaa sheegaya in xilka laga qaaday Jihaan loo dhiibayo nin lagu magacaabo Cabdi Baaruud oo dowladda u qaabilsan taageerada afka ah, islamarkaana aad u isticmaala twitter-ka halkaasi oo marna uu ka difaaco marna ka taageero xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here