XOG: Ujeedka safarka Axmed Madoobe ku aadayo Imaaraadka Carabta oo la Ogaaday

0
7

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ku wajahan magaalada Abu Dubai ee dalka isku taga Imaaraadka Carabta,halkaas oo uu xiriir toos ah la leeyahay.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland ayaa u aadaya Imaaraadka Carabta inuu mashaariic cusub la soo saxiixdo dalkaas,kaas oo ka saacidaya hirgelinta qorshihiisa cusub ee maamulka jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha diyaarada gaar ah ka qaadeyso magaalada Kismaayo,taas oo ka imaaneysa Imaaraadka Carabta,inkastoo warkaas xaqiiqdiisa la hubin.

Imaaraadka Carabta ayaa xiriir wanaagsan la leh maamulka Jubbaland iyo Puntland,kuwaas oo khilaaf ba’an uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa dhaqaalo iyo mid farsamo ku taageero maamuladaas,kuwaas oo sababay iney Dowladda Federaalka ku raaci waayaan go’aankii ay ka qaadatay Khilaafkii Dowladaha Khaliijka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here