XOG: Taliye Fahad Yaasiin Oo NISA Ka Ruqseeyey Sargaal Caan Ah (Magaciisa)

0
9

Ilo Muhiim Ah Oo lagu kalsoonaan karo  ayaa sheegaya Taliyihii hore ee Nabadsugida Gobolka Banaadir Ibraahim Macalin laga ruqseeyay xubinnimadii Hey’adda NISA, kaddib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay arrimo ka hor imaanaya danaha Qaranka, sida lagu xusay qoraal uu Hoggaanka NISA ka hor aqriyay hoggaanada kala duwan ee Hey’adda oo lala wadaagayay eedeynta Sarkaalkaas iyo go’aanka ka saarida xubunnimada hey’adda iyo in xitaa galkiisa lala wadaagi doono Taliyaha ka dambeeya Taliyaha xilligan.

Tan iyo markii Hoggaanka NISA uu la wareegay Fahad Yaasiin ayaa waxaa jiray saraakiil dhowr ah oo laga ruqseeyay xubinnimada Sirdoonka Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay inay galeen arrimo ka hor imaanaya hannaanka shaqo iyo danaha qaranka, waxaana xubnaas horay looga saaray hey’adda ka mid ahaa Taliye kuxigeenkii hore ee NISA Cabdala Cabdalla oo markii dambe digreeto Madaxweynaha soo saaray looga xayuubiyay darajadii ciidanimo.

Hase ahaatee waxaa su’aalo kala duwan ka imaanayay habka shaqo ka ruqseynta xubnaha Hey’adda ka tirsan oo ahaa tallaabooyin cusub oo labadii sano u dambeeyay uu la yimid hoggaanka Hey’adda, waxaana dadka bartay arrimaha sharciyada ciidanka ku tilmaameen in go’aamadan aanay aheyn kuwo Maxkamad ay riday, marka l eego sifaha loo maro oo ah eedeynta mid ka timaada hoggaanka oo aanay ku dhisneyn sharciyad Maxkamadeed, maadaama haddii shaqsiga la soo eedeeyo ay tahay in gal dacwadeed laga furo Maxkamadda ciidanka, si haddii uu galay dambi ka hor imaanaya danaha Qaranka loogu qaado, haddii ay ku cadaatana ay Maxkamadda ka qaado tallaabada ku habboon sida ruqseyn iyo darajo ka xayuubin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here