(XOG) Soomaaliya oo ku dhacday shirqoolka ay umaleegeen Ethiopia, Qatar & Madaxweyne Farmaajo

0
23

 waxeey bulshada Soomaaliyeed banaanka u keeneysaa xogaha ka qarsoon ee ku saabsan goorta uu bilaawday xiriirka Ethiopia , Qatar & Farmaajo iyo tiirarka uu ku taagan yahay xiriirkaas.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Dibada Soomaaliya oo dabagal iyo baaris ku haysay Xiriirka Ethiopia & Farmaajo ayaa lakala diray . 

Muqdisho Online oo  heshay qeyb ka mid ah macluumaadka ay diyaariyeen Saraakiisha Sirdoonka Dibada Soomaaliya.

Suaalaha aan jawaabaha u raadineyno waxaa kamid ah.

  1. Inta aan la dooran Madaxweyne Farmaajo majiraan xiriir qarsoon oo kala dhaxeeyo Ethiopia ?
  2. Door Noocee ayeey ka ciyaartay Dowlada Ethiopia Doorashada madaxweyne Farmaajo uukusoo baxay ?
  3. Madaxweyne Farmaajo maka baaran dagyay Hishiiska 4 Dakadood ee uu usaxiixay Ethiopia ?
  4. Ethiopia oo aan bad laheen in ay dhisato Ciidamada Bada maxaa halis ah oo Soomaaliya uga imaan karo ?
  5. Hadalkii Raisal Wasaare Abiy Ahmed ee ahaa Soomaaliya & Ethiopia hal dal ayeey noqonayaan hishiiska uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo maka mid yahay ?

Nuqulo ka mid ah Ducments ka oo soogaaray Muqdisho Online ayaad uga bogan doontaan Jawaabaha Suaalaha kor kuxusan.

Hordhac.

14 Octobar 2010-kii Madaxweyne Shariif Shiekh Ahmed ayaa Raisal Wasaare u Magacaabay Mohamed Abdullahi Farmaajo.

31 Octobar,  2010-kii, Golaha barlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixyay Raiisal wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Mudadii uu xilka haayay asagoo kaashanayo Madaxweyne Shariif Shiekh Ahmed wuxuu si joogto u bilaabay bixinta Mushaaradka Ciidamada & Shaqaalaha Rayidka DFS.

Hase ahaate dhowr bilood ka dib waxaa soo baxay khilaaf u dhaxeeyay Raiisal Rasaare Farmaajo iyo Gudoomiyaha baarlamaankii Shariif Xasan Sheekh Aadan khilaafkaasoo salka ku hayay qabashada doorashada 2011-ka August.

19 Jun 2011, Ra’iisul Wasaare Farmaajo waxa uu iska casilay xilka, Ka dib heshiis lagu soo gaaray Kampala.

Caasimada Umada Soomaaliyeed dadkii ku noolaa halmar ayeey soo banaan baxeeyn ayagoo diidan in Raisal Wasaare Farmaajo baneeyo xilka balse ugu danbeeyn Raisal Wasaare asagoo raali ah iscasilay shacabkiina ka codsaday in ay isdajiyaan.

Bilowga Xiriirka Qatar & Mohamed Abdullahi Farmaajo

Siyaasada Arrimaha Dibada Dowlada Qatar waxaa muhiim u ah in ay Soomaaliya gacanta ku dhigto , si taas u dhaqan galiso waxeey sameeysay isku dayo fara badan.

Dowlada Qatar waxaay Soomaaliya ka aasaastay ururka itaxaad way ku guuldareesatay sido kale waxaay ka dhistay Ururka Alshabaab iyana walagu guuldareestay qorshaha laga lahaa maadama la wiiqay ururka sido kale shacabka Soomaaliyeed fahmeen dhagarta ururka uu leeyahay.

Kacdoonkii ka dhashay Iscasilaada Raisal Wasaare Farmaajo dowlada Qatar waxeey fursad u noqotay in Soomaaliya ayku qabsan karto iyadoo isticmaaleyso Farmaajo.

Dowlada Qatar mataageerin Doorashadii 2012 Musharaxnimada Farmaajo sababto ah waxaa ka muuqatay dhiiranan iyo inuu ku kalsoonyahay asagoo tageero shisheeye ka helin inuu guuleesan karo.

Dowlada Qatar waxeey tageertay musharax kale si ay u hantirto Mohamed Abdullahi Farmaajo isla markaasna u arko in uusan kaligiis guuleysan Karin.

Markii laga soo noqday Doorashada Musharax Farmaajo 2013 waxaa looga yeeray Kenya asagoo wadahadal Safarada Qatar ee Nairobi kula galay koox kasocotay Sirdoonka iyo wasaarada Ariimaha Dibada Qatar waxaana lagu hishiiyay in Farmaajo lasoo saaro asagana uu ka shaqeyo maslaxada Dowlada Qatar.

Mideenta fikirka Ethiopia & Qatar Musharaxnimada Farmaajo 2016 / 2017.

Dowlada Qatar waxeey wadaxajood lagashay Dowlada Ethiopia maadama ay saameen adag ay ku leedahay arrimaha Soomaaliya.

Qorshaha Ethiopia oo  ay Soomaaliya  ka leedahay qadobadii la isku raacay waxaa ka mid ahaa .

  1. In isbadal lagu sameeyo dastuurka Soomaaliya Xarafka ka hadlaayo Xuduuda Soomaaliya oo qeexayaa 5 Soomaali ,  si meesha looga saaro khilaafka dhuleed ee ka dhaxeeyo labada Doowladood kaaso 1977 uu ku dhaxmaray dagaal .
  2. In Soomaaliya laga siiyo dakado badeecadaha uga soo dagaan Shucuubta Ethiopia iyadoo aysan jirin wax kiro ah.
  3. In loo saxiixo Ethiopia Ciidamadeeda bada ay si sharuud la’aan ah u isticmaali karaan biyaha Soomaaliya.
  4. Qof kasto Soomaali ah oo halis ku ah Amniga Qaranka Ethiopia si sharuud la’aan loogu soo gacan galiyo.
  5. In Dowlada Masar Saameenta ayku leedahay Soomaaliya laga saaro . xiriirkeedana hoos loodhigo.

Dowlada Qatar way ogolaatay Codsiga Ethiopia si hordhacna waxaa warqad laga saxiixay Madaxweyne Farmaajo asagoo aan doorneen.

Dowlada Qatar ayaa iyana Ethiopia usoo bandhigtay qodobo laga rabo ineey fuliso.

  1. In lacagta uu doorashada ku galaayo Musharax Farmaajo lagu qaada Diyaarada Ciidamada Ethiopia laguna keydiyaa Safaarada Ethiopia Ee Muqdisho.
  2. In Ethiopia ay awooda xaga ciidamada ka tageerta Farmaajo Maamulkiisa isla markaasna lagu caburiyo qofkasto kasoo horjeesata.
  3. In Ethiopia ay joojiso lamacaamilka Maamulada Puntland & Somaliland .

Danaha Dowlada Qatar kaleedahay Soomaaliya oo Farmaajo laga saxiixay .

  1. In Dowlada Qatar ay maamusho Keydka Shidaalka Soomaaliya.
  2. In Farmaajo uu layimaado siyaasad uu isaga horkeenayo Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowlada UAE taaso looga dhigaayo cadow .
  3. In dhamaan Dakadaha Soomaaliya loogacan galiyo Qatar si ay macaash balaaran ugu sameeyso isla markaasna dowlada khaliijka ugala dagaalanto dhaqaalaha.
  4. In Dowlada Turkey ay soo martaa Qatar wax kasto ay rabto ineey ka fuliso Soomaaliya .

Inta badan hishiisyadaas waxaa lawada saxiixday inta Madaxweyne Farmaajo ladooran ,

Maxaadan ogeen oo ku jira  Iscasilaada Raisal Wasaare Hailemariam Desalegn iyo Doorashada Abiy Ahmed oo ahaa Cornel ka tirsan ka tirsan Sirdoonka Ethiopia ?

Ethiopia waxeey dalkeeda uheshay hishiisyo ay raadineyso qarniyaal , waxaana guuleestay wajiga 1 aad ee hiigsigeeda Taaso ah in ay Soomaaliya si dadban u maamusho danaheedana ka oofsato iyadooo aysan jirin wax sidhaafsi.

Si loola jaan qaado isbadalka Siyaasada Soomaaliya iyo mida geeska Africa waxaa qasab noqotay in waji cusub looyeelo Ethiopia lana muujiyo Isbadal Siyaasadeed. Waxaa qasab noqotay in uu iscasilo Raisal Wasaare Hailemariam Desalegn si loo indhasarcaado Shucuubta Soomaalida waxaa la abaabulay kacdoon bulshada Oromo oo ayku rabaan isbadal.

Iscasilaada Raisal Wasaaraha Ethiopia ka dib waxaa musharax laga dhigay Cornal Abiy Ahmed oo ahaa Sargaal katirsan Sirdoonka Ethiopia kaaso ugu danbeeyn loodoortay inuu noqdo Raisal Wasaare Ethiopia.

Soo Afjaritaanka Colaada Ethiopia iyo  Eritrea.

Raisal Wasaare Abiy Ahmed si uu isaga xiro xiisada kala dhaxeeyso Eritrea isla markaasna usoo jeesto ladagaalanka Masar iyo kafaaideysiga Soomaaliya oo ka dhalatay Dowlad ay iyagu wax dhisteen .

Abiy Ahmed wuxuu ku dhawaaqay in uu katanaasulayo dhulka muranka badan dhaliyay ee kala dhaxeeyo Eritrea taasoo  durbadiiba ay soo dhaweysay  Dowlada Eritrea sido kale Eritrea waxeey xalisay xiriirka Ethiopia iyo Onlf taasoo ka dhigeysaa lasoo laabay jabtarka coolaada Eritrea hormuudka u tahay. 

Ethiopia gudaheeda waxaa caqabad ku ahaa ururka Onlf oo alaaba  curyaamineysay qorshayaasha xukuumada adis ababa taaso ay ugu horeeysay shidaalka laga qodaayo gobolka Soomaalida oo ay ka taagneed caqabado Amni oo ay abuurayeen Onlif. Ethiopia waa ku qasban tahay in ay Eritrea lahishiiso hadii ay rabto in danaheeda soomaaliya si nabdoon ufusho.

Side Dagaalka Masar & Ethiopia  loogu soo wareejiyay Soomaaliya ?

Ethiopia iyo Masar waxaa ka dhaxeeyo dood ku saabsan biyaha Nile kaaso ay Ethiopia ay ku wado biyo xireen ay ku sameeyneyso wabigaas, shacabka reer masar 20 % waxeey ku dhaqan yihiin ama ku nool yihin Biyaha Nile taaso hadii lafuliyo biyo xireenkaas ay Qatar galeeyso shucuub badan oo masaari ah.

Ethiopia side usoo afjarto suurtagalnimada iskaashi dhaxmara Soomaaliya & Masar waxeey Madaxweyne Farmaajo ku amartay in hoos loodhigo Xiriirka diblumaasiyadeed ee kadhaxeeyo Soomaaliya iyo Masar , sido kale lajoojiyo dhamaan mashaariicda Dowlada Masar ka fuliso Muqdisho. Oo ay ugu horeeyso iskuulka 15 may oo arday Soomaaliyeed si bilaaash ku barayeen macalimiin masaari ah.

Ugu danbeen Markii ay soo aruuriyeen Macluumaadkaan Saraakiisha Sirdoonka Dibada Soomaaliya waxeey kasoo saareen Warbixin Heer Qaran ah iyadoo loogu digaayo Wasaarada Arrimaha Dibada XFS & Villa Soomaaliya siyaasada ay ku maamulayaan dalka ineey  Halis ku tahay Danaha Qaranka iyo Madaxbanaanida Dhulka, Dalka Soomaaliyeed. Ayna arrintaas tahay  Qiyaano Qaran.

Soomaaliya waxaa ay ku dhacday shirqoolka Ethiopia , Qatar & madaxweyne Farmaajo soo maleegeen,  Xaalada kacsanaanta ah eek a jirta Ethiopia waa mid lagu marin habaabinayo wacyiga bulshada Soomaaliyeed Ethiopia waa mid hadii ay ahaan laheed Oromo iyo Tigree mana jiro qalalaaso aan lagu hageenin Danaha Qaranka Ethiopia.

  1. Joogitaanka Ciidanka Ethiopia ee Soomaaliya
  2. Siyaasada qar iska tuurka Madaxweyne Farmaajo
  3. Awood sheegashada Maamul ay wado Dowlada Madaxweyne Farmaajo
  4. Fulinta Qaraxyada Muqdisho ee soo abaabuleyso dowlada Qatar
  5. Dhaga ka fureeysiga qeyla dhaanta shacabka Soomaaliyeed

Soomaaliya badbaado ayeey rabtaa. iyo Isbadal maamul oo dag dag ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here