XOG: SHARIIF XASAN IYO AXMED MADOOBE

0
38

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo siyaasi siaad ah ugu soo lug lahaa sanado badan siyaasadda Soomaaliya ahaana nin aan siyaasi waliba uusan ku dagdagin oo laga ganbado waxaa intaas u dheer inuu yahay nin si aad ah wax ugu soo qabtay dadka reer Koonfur galbeed dartoodna asxaab badan ula ciloobay.

Waxaa uu isku aadsaday baarlamaan oo isagu uu maalgaliyay soo bixidooda iyo waliba doorashadooda, waxaana uu ugu talo galay in asaga ay mar kale ay soo doortaan uuna soo laabto si uu kula gorgortamo madaxda dalka haya mar kale.

Madaxda dowladda federaalka ayaa u sheegay inuu Shariif ka haro doorashada iyo hamigiisa Koonfur galbeedna lana rabo in la keeno nin la shaqeeya afkaartoodana la dhacsan, uuna badalkii qaato heshiis lacageed oo loo ogol yahay, shariif oo u turay dadka reer Koonfur galbeed ayaa aqbalay kana tanaa sulay doorashii, runtii Shariif waa wadani dadkiisa iyo gobalkiisa aan ilaawin inay xaq ku leeyihiin .

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayey magaalada Kismaayo u noqotay guri isga u oodan ayna adkaatay in laga sameeyo wixii laga sameeyay Galmudug iyo Koonfur galbeed, lakiin diidmadii Axmed ee mid lamida heshiiskii uu ku baxeen Shariif Xasan iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf oo qasab ku qaatay, waxaa ay noqotay mid aan u fiicneen dadka ku nool Jubbaland, oo ku anbaday dabinka Kenya iyo maangaabnimada Axmed Madoobe.

Axmed ayaa iska diiday heshiis ka weyn kuwii saaxiibadii ka horeeyay loo soo bandhigay, badakeeda waxaa uu qaban qaabiyay doorasho ka dhacday Kismaayo oo wax walba oo ku baxay ay maali galyeen Axmed Madoobe iyo Kenya makri u maleegeysa umadda Soomaaliyeed, oo mar kale lagu soo doortay Madoobe.

Waxaa kaliya oo laga ogaaday doorashadas ayaa ah inuu Axmed Madoobe uu yahay nin aan u nixin dadka iyo deegaankiisa dhammaan saaxiibadiis xilka ayeey ka tageen midna waa is dhiibay iyaga oo dantooda ka doortay tan dadka iyo deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here