Waxaa xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka billawday baaritaanka nooca dhiigga (Blood group) ee shaqaalaha dowladda waxaana fulinaya koox dhaqaatiir ah oo ku sugan xafiiska Kheyre, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dadkii laga qaaday dhiigga.
Dhammaan shaqaalaha dowladda ee diwaan gashan ayaa dib loogu laabanayaa feelashooda waxaana kadib lagu darayaa nuuca dhiigga qofka shaqaalaha, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan.
“Lacag ma ahan waxaana wasaarad wasaarad loo diiwaan gelinayaa shaqaalaha kaliya waxaa laga qaadayaa nooc dhiig (Blood group) kadibna waxaa lagu darayaa diiwaan gelintii hore” ayuu yiri qof kamid ah shaqaalaha dowladda oo diiwaan gelintaan maray
Lama oga sababta keentay in la baaro nooca dhiigga shaqaalaha dowladda oo aan markii hore mas’uuliyad gaar ah la iska saari jirin waxaana jira warar is dhaafsan oo arrintaas ku saabsan.
Shaqaalaha dowladda qaakrood ayaa kuu sheegayaa in arintaan ay mashruuc loo abuurayo dhalinyaro sameestay hay’ad islamarkaana la xariiray xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Si kastaba, shaqaalaha badankood ayaa sheegay in laga yaabo inay qeyb ka tahay dadaallada dowladda ay dib ugu laabaneyso uguna ogaaneyso xogta shaqaalaheeda, taasi oo qeyb ka ah adkeynta amniga.
Xiriir aan la sameynay xafiiska Kheyre, waxay noo xaqiijiyeen in arrintan ay jirto waxayna sheegeen in dhammaan diiwaan-gelinta shaqaalaha dowladda oo markii hore warqad ahayd iminka loo beddelayo online, sidaas darteed xogta shaqaale kasta oo keydsan lagu darayo nooca dhiigga.