Saraakiil ka socota Sirdoonka dalka Qatar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho,kuwaas oo Madaxtooyada Villa Somalia kula kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulanka oo ahaa mid qarsoodi ah oo dhinacyada Albaabada u xirnaa ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo mas’uul ka ahaa iney xubnaha ka socda Qatar ay soo gaaraan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Ilo wareedyo ka tirsan Sirdoonka Somalia ayaa inoo sheegay in kulanka intiisa badan diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka Sirdoon ee labada Dowladood iyo in Xukuumadda Dooxa ay laba jibaarto kaalmada ay siiso Dowladda Farmaajo.
Amniga Madaxooyada Soomaaliya ayaa xalay si aad ah loo adkeeyay,waxaana baraha Kontarool ee laga ilaaliyo lagu arkay ciidamo Nabad sugid ah,kuwaas oo si feejigan amniga u ilaalinayay.
Tan iyo markii Fahad Yaasiin loo magacaabay Taliyaha Nabad sugida wuxuu isku howlay sidii uu u horumarin lahaa hanaanka sirdoon ee dalka,wuxuuna xiriir kala duwan la sameeyay Hay’adaha Nabad sugida ee wadamo badan oo Afrika iyo Caraba leh.