XOG: RW Kheyre oo wal wal ka muujinaya khal khal ku yimaada qorshihiisa doorashada 2020

0
25

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre,taas oo salka ku heyso awooda dastuuriga ee dalka iyo xiisada siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay kulankii dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore oo dhawaan ku kulmay madaxtooyada Soomaaliya,iyagoo si weyn diirada u saaray xaaladda dalka iyo doorashada lagu wado iney dalka ka dhacdo sanadka 2020,21.

Sida ilo xog ogaal ah inoo sheegeen, Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa wal wal ka muujiyay kulanka hogaanka Madasha iyo Madaxweyne Farmajo,kaas oo ka cabsi qaba khal khal ku yimaada qorshihiisa ku aadan doorashada 2020.

Qorshaha Kheyre ayaa ah in uu damaciisa madaxtooyo shaaciyo xilkana iskaga tago inta uusan Farmajo ka fikirin bedel ka fududeyn kara culeysyada siyaasadeed.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Farmaajo u xambaariyay wixii qalad iyo gaboodfal ah oo dalka ka dhacay,isagana u cadeeyay Xisbiyada dalka inuu arrintaas beri ka yahay,isagoona ku doodaya in halka keliya ee wax laga sixi karaa ay tahay kursiga sare.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisa ayaa isku fahmi la’ xisbiga Madaxda Dowladda ay soo wado iyo cida musharax u noqoneyso,iyadoo la wada ogyahay in labadaba mas’uulba ay tartanka hamiga kaga jiro.

Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dhawaan shaaciyay in Dowladda soo wado Xisbi weyn,kaas oo la doonayo iney dhalinyarada ka qeyb galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here