Xog Qarsoon Xildhibaanadii Kenya ee Muqdisho tagay oo la ogaaday lacagta la siiyay inta ay egtahay

0
8

Tebiyenews: Ilaa kow iyo toban Xildhibaan oo ka tirsan Baarlabaanka Kenya oo booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Muqdisho ayaa la ogaaday inta ay dhan tahay lacagta loo balan qaaday inta ay la egtahay.

Xildhibaanada oo la kulmay MW Farmaajo, Fahad Yasin iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka Qatar ayaa loo balan qaaday in la siin doono $2 Milyan oo doollar haddii ku cadaadiyaan dowladda Kenya in ay magaalada Mandhera ka eriso Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashid Janan.

Xildhibaanada Kenya aya durba bilaabay in ay qabtaan war saxaafadeed aay kaga dalbanayaan in Cabdirashid Janan uu degdeg uga baxo magaalada Mandhera iyagoo fulinaaya ballantii ay soo qaadeen si ay u helaan lacagaha loo ballan qaaday.

Dowladda Kenya aya ka warheshay markii ay xildhibaanada tageen magaalada Muqdisho waxaana saacado lagu hayay garoonka Wilson, waxaana hadda kiiskooda gacanta ku haya xeer ilaaliyaha guud ee Kenya iyo Guddiga Anshaxa Baarlabaanka Kenya iyadoo lagu wado in laga qaadi doono tallaabiyoon sharci ah, sida ay sheegeen warbaahinta Kenya

Xogtan oo Tebiyenews ay la wadaageen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa waxaa ay keentay in uu dagaal siyaasadeed ka dhex dillaaco labada xafiis ee Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre taasoo dhalisay in uu sii kordho shakiga labada masuul. RW Kheyre ayaanan laga wargelin imaatinka iyo kulanka dhex maray Xildhibaanada Kenya iyo Saraakiisha sirdooka Qatar. Qorshahan ayaa waxaa si gaar ah u watay Fahad Yasin oo ka biyo diidan in ciidanka Itoobiya ay qeyb ka noqdaan dagaalka Dowladda ay kula jirto Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here