Tebiyenews.com waxaa ay heshay Xog kusaabsan Dilkii Gudoomiyihii G/Banaadir Eng Abdirahmaan Osmaan Yariisow ,
Kadib Markii Washington Post ay Heshay Cod qarsoodi ah oo laga duubay Safiirka Dowlada Qatar u jooga Soomaaliya , asagoo dhahaayo Saaxiibadeena waxaay Puntland kafuliyeen Qarax waliba sida uu qorshaheenu ahaa,
Arrintaas waxaay banaanka keentay Shakigii hore looga qabay Dowlada Qatar ineey abuurtay kooxda Maafiyada calooshood ushaqeeystayaasha Alshabaab kuwaaso losoo kireestay in Soomaaliya lagu gaaro dano Gaar dowlado Qaar ,
Waxaa ay Dowlada Qatar ku amartay DFS ineey warbaahinta ka difaacdo isla markaasna ay beeniso cadeenta banaanka timid,
Dowlada Soomaaliya waxaa durbadiiba ku furmay kacdoon bulshada ah taaso ku bilaabatay si hoose iyadoo dadka ay qireen In xukuumada hada shaqeyneyso at xiriir toos laleeyihiin Al-Shabaab,
Waxaa shir isugu yimid Wakiilada Dowlada Qatar ee Soomaaliya oo kale ah Fahad Yaasin , Hassn Ali Kaire , Farmaajo iyo Amb Hamza waxaana laga yeeshay dood dheer sida laga yeelayo xalada taagan,
Shirka oo qaatay mudo laba maalin ah waxaa Soomaaliya soogaaray Saraakiil katirsan Sirdoonka Qatar waxaayna Agaasime Fahad Yaasiin si toos ugu sheegeen in xiisadaan lagu dami Kato Qarax Weyn isla markaasna uu dhinta Masuul Sameen leh isla markaasna lagu tuhmaayo dadka Daacada u ah Maamulka,
Agaasime Fahad Yaasiin waxaa durbadiiba usoo baxday in la dilo Eng Yariisow Maadama ay miiska saarneed xilka qaadistiisa,
Agaasime Fahad wuxuu shir dag dag la qaatay RW Kaire iyo Mw Farmaajo wuxuu u gudbiyay dalabka ah in qarax lagu dilo Eng Yariisow, waxaa dood ka keenay RW Kaire wuxuuna yiri macquul ma ahan managa mundo waa nin si daacad noogu soo shaqeeyay, Fahad Yaasiin ayaa ugu jawaabay siyaasada sxb joogto malahan ee dan joogto ayeey leedahay Eng Yariisow majecli inuu dhinto lkn Danta ayaa gashay,
MW Farmaajo ayaa yiri Fahad bal ka waran raga kuxigeenada ah iyana madhimanayaan , Fahadbaa ugu jawaabay Maya maalintaaas howlo ayaan u direynaa lkn taas badalkeeda waxaa Eng Yariisow la dhimaneeyso Qeyb ka mid ah Teamkii Nagala shaqeynayay Kaambeynka Doorashada 2017 oo ugu horeeyso Sabaah Abdullahi maadama la ogyahay ineey Madaxweyne udhawdahay iyana way dhimane, MW Farmaajo ayaa yiri Gabadheeda waaye iyada halaga bixiyo Fahad baa yiri Maya way dhimaneysaa Danta Dowlada iyo mida Qatar ayaa ku jurto.
RW Kaire ayaa yiri Sidee baa lo fulinayaa Qaraxaas, Fahad ayaa yiri Subixii Hore waxaa Dowlada Hoose ee Xamar lagu casuumay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM , igu sawir kadib baabuurka Xoghaya Gobolka Banaadir ayaa lagu galinayaa Qaraxa qofka isqarxinayana wuxuu so marayaa baarista rasmiga waxaa gudaha ku kulmeyna Qalabka laga soo dhajiyay qaraxa iyo qofka ismiidaaminayo sidaas ayaana loola Maareenayaa,
Kadib waxaa halkaas si arxan daro ah loogu dilay Eng Yariisow iyo shaqalaha rayid ka oo aan waxba galabsan,
Kadib qaraxa sidag day Alshabaab ayaa sheegayay sida caadada aheyd Dowlada qatarna what muujisay garab istaag ay shacabka Soomaaliyeed umuujineyso sidee quluubta dadka u hantiso, dowlada Soomaaliyana Kooxdeeda Baraha Bulshada waxaay bilaabeen ineey marin habaabin kusameeyan shacabka ,
Dowlada QATAR , Madaxda DFS iyo Al-Shabaab waxaay hishiis ku yihiin in Somalia iyadoo taag daran lala galo hishiisyo shidaal taaso faaido u ah Dowlada Qatar iyo Saaxiibadeeda, calooshood ushaqeeyatayaasha soomaalidana ayaga lasiiyo dhaqaalo xoogan,
Dowladaha US, UK , Norway Iyo Ethiopia waxaa yihiin Sirta balse sideeysan u hor istaagin waxaa lagu laaluushay in saami laga siinayo Shirkada Shidaalka Soomaaliya .
Soomaaliya Badbaadin ayeey ubahantahay, isla markaasna kakacdo hurdada inta cadowga cunin,
Dadka diirka nooga eg isla markaasna qalbiga ajinabiga ka ah halagarto