XOG MUHIIM AH: WAX KA OGOW QAABKA DOORASHADA 2021

0
153

Kala-guurkan cusub ee Dowladda Federaalka diyaarinayso ayaa la filayaa in ay ku baddesho qabashada Doorashada qof iyo cod ee la sugayay 2021-ka, qorshahan cusub ayaa ka baddelan midkii hore ee Maamulkii M/weyne Xasan Sh u diyaarisay kala guurki 2016, habkan cusub ee lagu howlan yahay ayaa noqonaya mid lagu soo dooranayo Baaraarlamaanka cusub 2021-ka.
Lataliyeyasha sharciga xafiiska Madaxweynaha iyo Ra”iisul wasaaraha ayaa soo gudbiyay nidaamkan cusub ee loogu magac daray (Federal States Barliament Election) ama qorshaha Doorashada Baarlamaanka maamul Gobolleedyada, habkan ayaa ah in Xildhibaannada Maamul Gobolleedyada ay soo doortaan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ku matalayo dhammaan Beelaha, Doorashadan ayaa u eg qaabkii loo doortay Aqalka Sare ee Federaalka ah, Xildhibaannada Maamul Gobolleedyada ayaa noqonnaya gunta qorshaha kala-guurka 2021-ka.
Qorshahan ayaa laga siiyay Beelaha door ah in ay ku yeeshaan soo xulista musharaxxiinta Beelaha, si loo qanciyo Beelaha in Musharaxiinta ka imaanaysa Beelaha ay xor u noqdaan, islamarkaana xildhibaannada Baarlamaanka Maamul Gobolleedyada ay u doortaan mid ka mid ah musharaxiinta Xildhibaannada ay Beeluhu u soo gudbiyeen Baarlamaanka Maamul Gobolleedyada, tirada musharaxxinta Beel walba soo gudbin karto ayaa lagu wadaa in ay noqoto ugu yaraan labo qof weliba xubinu ay tahay qof dumar ah si loo buuxiyo shuruudda qoondada Dumarka.
Inkastoo faahfaahin farsamo ay weli harsan tahay haddana waxaa muuqata in nidaamkan lagu soo jiidanayo Maamul Gobolleedyada islamarkaana ay suurtagal tahay in ay soo dhaweyn doonnaan dhammaan Maamul Gobolleedyada, Hoggaanka Maamulka hadda jira ayaa u muuqada in qorshahan muddo ay ku howlanaayeen isla markaana u gogol xaarteen maadaama ay sameysteen Maamul Goboleedyadyo u dhago nugul qorsheyaasha siyaasadda ay dejisatay Dowladda.
Qorshahan ayaa suurtagal ka dhigaya xaaladda kala-guurka 2021-ka ugu gudbi karto, maadaama ay adagtahay in dalku ka qabsoonto Doorasho qof iyo cod ah marka la eego waqtiga yar ee harsan iyo duruufaha amni ee ka jirta goobaha lagu talo jiro in Doorashadu ka dhacdo, weliba ay u sii dheer tahay wacyigalin la’aanta shacabka ee ka qaybgalka Doorashada iyo Axsaabta siyaasadda oo aanan u diyaarsanayn ka qaybgalka tartanka Doorashada 2021-ka.

Waxaa kaloo xusid mudan isla markaana qodobka ugu adag qorshahan uu yahay qaabka lagu soo dooranayo Xildhibaanada Reer Banaadiriga/Xamar iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland, Qorshaha dowladda ayaa u muuqda mid ay u sameeyay dib usoo laabashada maamulka hadda jira, waxaana cadeyn u ah sida ay uga go,an tahay in ay hesho maamulo toos u taageersan siyaasadda madaxda dalka, sida muuqatada hirgalinta qorshahan wuxuu markale fursadda u ka yareynayaa siyaasiyiinta loolanka adag kula jirta Xisbiga talada dalka ay gacanta ugu jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here