XOG MUHIIM AH: TARTANKA SHIDAALKA GALMUDUG WAX KA OGOW.

0
166

Tartanka Shidaalka Galmudug.

Xeebaha Galmudug ayaa lafilayaa in laga soo saaro shidaal fara badan muddo aan badnayn kadib, ka faa,iideysiga shidaalka xeebaha Galmudug waxaa ka horeeya dhismaha maamul fadhiya ee la isku haleyn karo maalgalintiisa, sida ka muuqata dadaalka faraha badan ee dowladda FS ay galinayso waxaa ay gogol xaal u tahay soo jiidashada shirkadaha shidaalka dunida, Keydka Shidaalka ku jira Xeebaha Galmudug, ayaa lagu qiyaasay cadad gaaraya 30 billion oo fuusto.

Warbixinta qiyaasta hordhaca ah ayaa tilmaamaysay muhiimadda baloogyadan iyo Maamullada ka dhisan, xog cusub ayaa lagu soo bandhigay London sida Dr karina rodriguez u faah-faahisay caddeymaha lagu ogaaday cadadka Shidaalka ee ku jira Xeebaha Galmudug, xogta jiyoolijiga dheeraadka ah ee sida lama fillaanka lagu ogaaday ayaa soo jiidatay dhammaan kasoo qayb galayaasha shirka isla markaana kor u qaadday suurtagalnimada maalgashiyo deg deg ah ee lagu sameeyo Xeebaha Galmudug.

Waxaa kaloo intaas sii dheer, shirka lagu wado in lagu qabto Magaalada Houston Gobolka Texes ee Dalka Mareykanka bisha, November 2019, ayaa lagu suuq-gaynayaa 15 xirmo oo kamid ah 50 xirmo ee Shidaalka Badda Soomaaliya, islamarkaana qidmadda saxiixa ay noqonayso $2 illaa $3 Million halki xirmaba, shirkan Dowladda Federaalka iyo Shirkadaha Shidaalka soo saara ku saxiixayaan heshiis ku dhisan saami qaybsiga cadadka Shidaalka lasoo saarayo, ayaa daba socda Shirka London ee lagu soo bandhigay xogta Shidaalka Xeebaha Galmudug ee Soomaaliya, natiijada sahankii lagu soo bandhigay London ayaa aad usoo jiitay Badaha Soomaaliya gaar ahaan Xeebaha Galmudug.

Xeebaha Galmudug ayaa la filayaa in ay noqoto goobta ugu horreysa ee Shidaal qodista laga billaabayo isla markaana laga helay xogta jiyoolijiga dheeraadka ah, ee sida lama fillaanka ah u muujinaysa in uu ku jiro Shidaal ka badan cadadki la filayay, heshiiska saami qaybsiga faa,iidada shidaalka dalka ayaa dhigaya in Dowladda Federaalka qaadato 55%, Maamul Goboleedka laga soosaarayo Shidaalka ee Galmudug hesho 25%, halka Degmada (Hobyo, Xarardheere,Ceeldheer) laga qodayana Shidaalka ay hesho 10%, halka Maamul Gobolleedyada kale ee aan Shidaalka soo saarinna lasiiyo 10%.

Hadaba waxaa xusid mudan 3 beel (Sacad, Saleemaan, iyo Waceysle) ee degga xeebaha Galmudug ayaana usinnayn ka faa,iideysiga shidaalka GalMudug, beelaha Habar Gidir gaar ahaan Sacad iyo Saleemaan ayaa noqday gundhigga dhismaha maamul Gobolleedka Galmudug halka beesha Waceysle aynaan kaba muuqan madaxda matasha shacabka Galmudug, islamarkaana ay leeyihiin xeebta ugu dheer Galmudug.

Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beesha Habar Gidir ayaa isku aragti ka noqday ka faa,iideysiga shidaalka xeebaha Galmudug, halka beesha Waceysle aynaan weli isweydiin in ay shidaalka xeebaha Galmudug saami ku leeyihiin iyo inkale, weliba ay usii dheertahay qibrad iyo aqoon yarida wakiilada beesha Waceysle oo ay ku leeyihiin maamul gobolleedka Galmudug.

Natiijada iyo Go,aanada shirka dhawaan ka furmaya Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa noqonaysa madasha lagu bud-dhigayo masiirka beelaha degga Galmudug, filashada mustaqbalka wanaagsan ee beeluhu ku taamayaan waxaa laga dheehan doonaa wakiilada ay usoo doortaan heerka Mugga iyo Miisaanka ay leeyihiin islamarkaana qotommi kara maamul ay mahadiyaan shacabka ku nool dhamaan Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here