(Xog) Mareykanka & Ingiriiska oo cadaadis ku saaraya Farmaajo in uu is casilo

0
4

Sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Tebiyenews waxaa dalalka Mareykanka & Ingiriiska ay bilaabeen in ay cadaadis ku saaraan MW Farmajo in uu is casilo. MW Farmajo aya ka caga jiidayay in dhaweydba in uu shaaciyo wakhtiga ay doorashada dhaceyso in nooca ay noqoneyso doorashada wuxuuna sidoo kale ka cago jiiday in uu la heshiiyo maamul goboleedyada.

Sida Tebiyenews ay xogta ku heshay waxaa MW Farmaajo lagu wargeliyay in uu sida ugu dhaqsaha badan uu xilka uga dego inta aanu dalka gelin marxalad ay adkaan doonto in dib looga fursado taasoo cabsi badan laga qabo in uu dalka markale dib u galo dagaal sokeeye.

Waxaa laga dareemayaa dhammaan magaalada Muqdisho saan saan dagaal iyo qaban qaabada mudaaharaadyo looga soo horjeedo hoggaan MW Farmaajo taasoo ku abuurtay wadamada beesha caalamka welwel ay ka qabaan in dalka uu markale dib ugu laabto dagaal sokeeye.  Waxaa sidoo kale uu ku yimid sicir barar qiimaha hubka magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here