XOG: Madaxda Maamul Goboleedyada oo u midoobay Farmaajo & Kheyre

0
56

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay ka qeyb galay shir khadka internetka ku dhex maray madaxda Maamul Goboleedyada, iyadoo ay kasoo wajahday xaalad cusub.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ku midoobay qodobka Doorashada dalka iyagoo ka horjeestay Sharciga Doorashada iyo xeerarka dhammeystirka ee ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasoo keentay inay xaalad aanu fileyn soo wajahdo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ee u dhowaa Dowladda Federaalka sida K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu adkaa oo ka hor yimid qorshaha Doorashada ee Baarlamaanka Federaalka ka socda, waxaana ay dalbadeen in la joojiyo si degdeg ah doodda Baarlamaanka ee Xeerarka Doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo qaatay dalabka ka yimid madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana laga sugayaa inuu joojiyo kulamada Baarlamaanka ee looga doodayo xeerarka dhammeystirka Doorashada iyo inuu si degdeg ah ugu dhawaaqo shir dhex maraya madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

Ma cadda sida madaxweyne Farmaajo u joojin karo howlaha Baarlamaanka Federaalka oo markii hore uu si xoog leh u taageeray in la dedejiyo, waxaana hadda heysata xaalad adag oo labada dhinacba ka ah dhibaato damaciisa in dib loo doorto ama uu helo muddo kordhin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here