Xog lama filaan ah: Hadalkii Sanboloolshe oo dhaliyey Doodo muhiim ah:

1
75

Hadalkii Sanbaloolshe oo su’aalo macquul ah ka dhashey

Cabdullaahi Sanbaloolshe wuxuu yiri, “Intey AMISOM joogto bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, intey Al-Shabaab ka howlgasho Soomaaliya iyo intey 4.5 jirto, waa in Madaxweynaha Soomaaliya la siiyaa keliya Hawiye.”

Su’aalaha is-weydiinta mudan waa:

  1. Maxay Al-Shabaab ugu awood badan yihiin bartama iyo koonfurta Soomaaliya?
  2. Maxaa AMISOM loo geyn waayey deegaanada Puntland iyo Somaliland?
  3. Maxay siyaasiyiinta & masuuliyiinta xilka ka haya DFS ee kasoo jeeda Somaliland u tagi waayeen S/L, maxayna usoo jiidan waayeen shacab iyo masuuliyiin badan oo reer Somaliland ah?
  4. Dantooda mey u arkaan Somaliland iyo Puntland dhibka joogtada ee Soomaaliya ka jira gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta?

Puntland saami weyn ayey ku laheed, kuna leedahay ilaa hadda dawlad kasta oo KMG iyo Federaal ah. Iyadoo taasi jirto haddana iyadaa hagardaameysa dawlad kasta.

Somaliland siyaasiyiintooda markey muddo ka hawl-galaan Muqdisho, waxay u wareegaan Somaliland kadibna wey inkiraan wada-jirka Soomaaliya.

Waxaa cad in Sanbaloolshe uu wax badan ogyahay, xog badan-na ka hayo qaabka ay AMISOM ku joogto, Al-Shabaab-na u hawl-gasho.

Dad badan ayaa aaminsan in hadalka Cabdullaahi Sanbaloolshe uu sax yahay.

W/Q aqoon yahan Ibrahim Bule

Mudane #Sanbalooshe Hawiye uma hadlayo ee Siyaadda Kagashay #Qabyaaaladna_Marabno Wadada sharciga ayaan wax walba Kuheleynaa Nalagama Xilibaano badna maqaamka muqdisha & waxii kaloon maqan wadda sharci ayaan Umareynaa Laakiin Horseedi Maayno Tafaraaruq & 1991 in Loonoqda. Wax kaloo kuuubanaan Ayaa Jira sharciba ah Wadiiqadaas Raadi.

Doorashadii Yuutaageersanaa 2017kii

Markii Xilka hayey muxuu Usheegi waayey dhibkan hawiyo Heesta.

Marka aay Taageerayeen #Madoobe oo Beelo Hawiya sadbursi Kusameeyey.Hawiya uukahadlaayo hadda majirin Miyaa ?

Siyaasiyiintu Anshaxa dowladnimo Hadhowraan .ogaada Mana matalaan Qabiilna sida Daarood, Hawiye, Dir, Digil & Mirifle & Beesha 5aad midna ee Danahooda ayay Ku oorkacsanayaan.

W/Q Prof. Shaafici

Hadaba hoos noogu reeb aragtidaada ku aadan hadalkii siyaasi sanboloolshe

1 COMMENT

  1. Sambalolshe manta ma usan dhalan somaliyana maanta ma imaan wuu joogi jirey hada marka u xil waayey ma ahan inuu dhaho hawiye waa in loo dhiiiba madaxtinimada somalia ninkan madaxweynaha ah shaley ayaga ayaa doortey berina wey doranayaan hawiye ayaga wax ma isu ogola kii Ay doortaana wax ma u ogola sambalolshe hada ayan Ku shegaya ee meel Ku qor sided sano ayad qabateen madaxtinimada daroodna waa inay 12 sano qabtaan adigana doranayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here