XOG: Lacagta Ay Dalbadeen Siciid Dani & Madoobe Shirkii Maanta

0
9

Shirkii maanta hordhaca ahaa ee dhexmaray Dawlada Dhexe iyo Dawlad gobolleedyada ayaa weli si faah faahsan loo helin wixii ay madaxda isla meel dhigeen.

Siyaasiyiin ka ag dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa dalbaday lacag ku dhaw 15 milyan Dollarka Mareykanka.

Sidaas oo kale Axmed Madoobe ayaa codsaday Lacag uu ku maareeyo Carqalad heysatay Maamulka Jubbaland oo cunuqabateyn la saaray.

Waxa Axmed Madoobe uu sii heysan doonaa Xukunka Jubbaland,iyadoo Labo Sano si kumeel gaar ah dhawaan la sheegay balse ay Dawlada usaxiixi doonto Afar sano inuu dhameysto,inkastoo buuq ka dhashay Arintaasi.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in isku soo dhawaanshiyo la dareemayo oo ku saabsan mowqifyadii adkaa ee la isku hayey.

Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Madaxda Galmudug,HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa dhageysanayey sida loo hadlayey,maadaama Madoobe iyo Dani ahaayeen kuwa ugu badan ee Dawlada Dagaal Siyaasadeed kula jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here