XOG: Kulan Qiyaano & Qarsoodi Ku Bilowday Oo Ka Dhacay Muqdisho

0
32

Majalada Horn Observer ayaa soo bandhigtay Kulan Qarsoodi ah oo ka dhacay Muqdisho dhowr Habeen Ka hor,kaas oo hadda Xog laga helayo wixii laga hadlay.

Kulankaasi ayaa waxa markii hore Madaxda Warbaahinta loo sheegay inay la kulmi doonaan Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”.

Kulanka ayaa ka hor waxaa Kaamirooyinka iyo Moobilada laga reebay wariyeyaasha iyo madaxda Warbaahinta loo yeeray,iyadoo Kulanka uu goob joog ka ahaa C/nuur Maxamed Axmed.

Ujeedada kulanka ayaa la sheegay in ay aheyd mid looga arinsanayey qaabka Warbaahinta ay uga qeyb qaadan karto Doorashada Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Ee Soo socota dalka ka dhaceyso.

Kulanka ayaa si kedis ah waxay Martida warbaahinta la casuumay u arkeen isagoo Qolka soo galay Taliyaha Nabad sugida Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo inta badan Sawirada iyo Muuqaal duubayaasha aad iskaga ilaaliya.

Shirka ayaa dhacay 5-tii Bishaan Oo aheyd Talaado Habeenkii Arbacada soo galeysay,waxaana soo qaban qaabiyey Xafiiska warfaafinta Ee Madaxweyne Farmaajo.

Muddo ayaa loo xayirnaa Kulanka Fahad Yaasiin Markii uu yimidna waa la guda galay,taas oo xitaa ka qeyb galayaashii Kulanka ay ka gaabsadeen inay xog bixiyaan wixii laga arinsaday.

Balse waxaa la fahansan yahay in Dawlada Soomaaliya ay Af qabasho ku sameeneyso Warbaahinta Madaxa Banaan,taas oo ka marag ah sida xitaa loo ilaaliyey in wixii laga arinsaday Kulanka Hoolkaasi ka dhacay Madaxtooyada Shan Cisho ka hor loo ogaan waayey.

Warbixinta aan kasoo xiganay Majalada Horn Observer ayaa sheegeysa inay Caga jugleyn dareemeen oo wabraahinta madaxa banana shakhsiyaadka ka socday loo sheegay inay joojiyaan wararka lidka ku ah Dawlad Nimada ay baahiyaan.

Ma cada wada shaqeynta lagu ballamay Kulankaasi iyo sida ay noqon doonto,maadaama Tiro Saxafiyiin ah oo ka howlgala Muqdisho ay waayihii dambe wadeen Cabasho ay ka qabaan mas’uuliyiin katirsan Dawlada oo Dil ugu hanjabayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here