XOG: Itoobiya Oo Hub Culus Siisay Ciidanka DF Ee Gobolka Gedo

0
9

Dowladda Itoobiya ayaa hub iyo saanad ciidan siisay ciidanka Dowladda Federaalka ee qabsaday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.

Ujeedada Itoobiya hubka u siisay ciidanka DF ay geysay gobolka Gedo ayaa lagu sheegay iney tahay sidii dagaal adag ula geli lahaayeen Al-Shabaab ku sugan deegaanada gobolkaas iyo gulufka colaadeed ee kaga soo wajahan ciidanka Jubbaland ee uu horkacayo Wasiirka amniga maamulkaas C/rashiid Janan.

Itoobiya ayaa gacan saar buuxda la leh Xukuumadda Dhexe ee dalka,waxayna joojisay taageeradii dad banaa ay siin jirtay maamul goboleedyada dalka,iyadoo dano gaar ah ka raadineysa.

Ciidamada Dowladda Federaalka ee la geeyay degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ayaa wada dhaq dhaqaaqyo ciidan,waxaana cabsi xooggan ay ka taagan tahay in dagaal xooggan uu dhexmaray ciidanka Jubbaland kuwa Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay sababta ciidanka loo geeyay gobolka Gedo ayaa wuxuu ku sheegay iney ilaalinayaan xuduudaha dalka,maadama Kenya fara gelin ba’an ku heyso arrimaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here