Madaxweynaha dalka mudane maxamed cabdullahi farmaajo oo ka qeyb galayey xaflada 15 may, ayaa ka Hadley xaalado badan oo dalka kusaabsan nuxurka khudbadiisa ayaa ugu muhiimsaneyd, shirkii garoowe, iyo doorashada Galmudug iyo in qabayaalada lajoojiyo.
Madaxaweynaha waxaa ku nuux nuuxsadey shirkii garoowe iyo waxyaabihii looga Hadley isagoona fashilka shirka dusha ugu tuurey madaxda maamul goboleedyada dalka, madaxweynaha oo aad ugu dheeraadey shirkii garoowe ayaa eedeyn gaar ah ujeediyey madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed ducaalle xaaf wuxuuna ku tilmaamey in uu xanuun san yahay oo dowadii loo qoreyna diidey.
Madaxweynaha ayaa marnaba soo hadal qaadin madaxda maamulka puntland iyo Jubaland waxaana lasheegey in ay ayagu ahaayeen caqabadaha hortaagnaa in xal laga gaaro shirkii garoowe.
Madaxweyne farmaajo ayaad moodaa markuu hadlaayo in afkiisa ubadan yahay qabyaalada joojiya, waxaana lagu eedeeyaa in ficiladiisa kamuuqda heebsooc iyo faquuq uu ku haayo beelaha hawiye iyo digil mirifle.
Tan iyo markii uu madaxweyne ka noqdodey dalka waxaa markasta xasarad siyaasadeed kataagneyd maamulada hawiye iyo digil/mirifle waxaana arintaas marqaati ka ah inta jeer ee laridey madaxda maamul goboleyd yad Galmudug iyo Hirshabeelle ayadoo koonfur galbeedna la’ogyahay wuxuu kusameyey.
Maamulada daaroodka ayaa ah kuwa waqtigooda si nabad ah ku dhameysta tusaale maamulka Axmed Madoobe iyo Maamulka puntland madaxdooda nabad ayey ku dhameysteen laakiin hirshabeelle waxey mareysaa labo madaxweyne galmudugna waa laba madaxweyne halka koonfur galbeed lageeyey nin maqaar saar ah.
Hadaba yaa qabayaalada kashaqeeya madaxweyne farmaajo oo beeshiisa naas nuujiyaa mise maamulada markasta ladhibaateeyo?.