Ilo wareedyo kudhow dhow madaxtooyada soomaaliya ayaa sheegaya in sheekh mukhtaar Robow Cali oo kudhowaad 10 bilood u xirnaa dowlada ay hada heshiis lagaartey.
Wararka ayaa sheegaya in wadahadalo qaatey 5 bilood ay hada soo gaba gaboobeen ayadoo lasheegey in sheekh mukhtaar lagu qanciyey in uu ka tanaasulo musharaxnimadiisa taa badelkeedana loo magacaabi doono jago uqalanta sumcadiisa
Dhinaca kale masuuliyiin aad uga dhow abuu mansuur ayaa xaqiijiyey in waxooga is fahan lagaarey walow aanu jirin heshiis qoran oo la kala saxiixdey balse laga yaabo maalmaha soo socoda in lakala saxiixdo.
Tebiyenews oo ukuur gashey qodobada heshiiska ku xusan ayaa ogaatey 8 qodob oo kamid ah qadobada laisku af gartey.
Qodobada oo gaaraya ilaa 15 qodob ayaa waxaa kamid ah
- In dowladu raaligelin siiso abuu mansuur
- In abuu mansuur aqoonsado maamulka laftagareen
- In abuu mansuur loo magacaabo teliya ladagaalanka geeska africa oo miiska saaran
- In labo wasiir iyo labo wasiir kuxigeen laga siiyo dowlada federalka
- In tiro xildhibaano iyo 5 wasiir maamulka kgs laga siiyo walow aan lasheegin xildhibaanada tiradooda
- In abuu mansuur taageero siiyo dowlada balse aanu ku qasbaneyn
- In magdhow laga bixiyo dhibaatadii kadhcdey baydhabo xiligii doorashada socotey
- In abuu mansuur horkaco dhab u heshiisiin la dhexdhigaayo bulshada kgs
Heshiiskaan ayaa waxaa korjooge ka noqon doona urur goboleedka IGAD oo kaalin lixaad leh kaqaantey is af garadka labada dhinac
Bisha october ee fooda nagu soo haysa ayaa lafilayaa in heshiiska lasoo gaba gabeeyo sida ay noo xaqiijiyeen ilo dibla maasiyadeed oo lasocoda wadahadalka
Wixii kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa