XOG: Guddoomiye Mursal & Mahad C.Cawad oo Khadka Telefoonka isugu Hanjabay

0
3

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa Khadka taleefanka ugu hanjabay guddoomiyaha golaha Shacabka,isagoo ku eedeeyay inuu kala qeybinayo Baarlamaanka,islamarkaana buuq siyaasadeed uu ka dhex furayo.

Mahad Cabdalla Cawad oo safar ku jooga Galmudug ayaa aad uga xumaaday hadalkii shalay guddoomiye Mursal uu ka jeediyay kulanka golaha Shacabka ee uu ku weeraray Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha,isagoo ku eedeeyay inuu safar aan lala ogeyn ku tegay Galmudug,islamarkaana aanay ku metelin golaha shacabka.

Mid ka mid ah xog-heynada Mahad Cabdalla Cawad ayaa inoo xaqiijiyay in Labada mas’uul oo xalay khadka taleefanka ku wada ay isku kulul isku dhaliileen,islamarkaana guddoomiye Mahad uu aad u carooday.

Guddoomiye Mursal ayaa carabka ku adkeeyey in Mahad Cawad uusan guddoonka golaha shacabka ku metelin socdaalka uu ugu baxay Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb oo uu shalay raacay wafdigii Ra’iisul wasaaraha.

Mursal ayaa sidoo kale sheegay in arrintaas ay iska arkeen isaga iyo guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, aadna ay ula fajaceen safarkiisa iyo sida uu ku baxay.

Arrintaan ayaa u muuqata in Guddoonka Golaha Shacabka labo garab u kala jabeen,guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa koowaad ayaa taageersan madaxweyne Farmaajo halka guddoomiye ku-xigeenka labaadna uu taageersan yahay R/wasaare Kheyre oo la dhacsan hanaanka doorasho ay soo bandhigeen maamul goboleedyada.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada golaha shacabka kula dardaarmay inay nidaamka ilaaliyaan, “Kuma qasbanid diyaarad kasta in aad raacdo, sababtoo ah waxaad xambaarsantahay karaamadii golaha aad ka tirsantahay” ayuu yiri.

“Xubin anaga naga mid ah meel aan munaasab aheyn markey kasoo muuqato il-haano ayey nagu tahay, marka waan ku celineynaa Mahad Cabdalla Cawad nama metelo” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa meel xasaasi ah mareysa,waxaana si aad ah la isugu hayaa arrimaha doorashooyinka iyo nuuca la aaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here