XOG: Farmaajo & Kheyre oo ku kala fogaaday qaabka loo wajahayo doorashooyinka 2020/21

0
11

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka aragti duwan madaxweyne Farmaajo marka ay timaado habka loo wajahayo doorashooyinka lagu wado iney dalka ka dhacaab sanadka 2020/21.

Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya in wada tashiyo la xiriira doorashooyinka lala sameeyo maamul goboleedyada dalka oo qaarkood khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku aragti ah Guddoomiye Cabdi Xaashi oo soo jeediyey in wada-tashiyada la xiriira doorashada heer federaal ay qeyb ka noqdaan dowlad goboleedyada, saamileyda siyaasadda, baarlamanka iyo xukuumadda.

“Qabashada doorashada heer federal waxaan looga maarmeyn in wada tashi deg-deg ah ay isugu yimaadaan dhammaan xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, DXDF iyo daneenayaasha siyaasadda si loo helo qaab raali la isaga yahay oo doorashada lagu galo,” ayuu Senator Cabdi Xaashi ku yiri Qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ee Aqalka Sare.

Aragtidan ayaa sidoo kale ah tan uu qabo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, hase yeeshee ka duwan tan madaxweyne Maxamed Cadbullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa aamisan in dowlad goboleedyada ay wakiilo ka yihiin xildhibaanadooda, sidaas darteedna ayaga iyo mucaaradka aan lagala tashaneyn arrimaha doorashada, loona madax-baneeyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran. Guddiga ayaa ku xiran Villa Somalia, sida la rumeysan yahay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta DFS ayaa shirka Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay maanta kusoo badhigtay qorshe faahfaahsan oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajoodka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee arrimaha doorashooyinka.

Soo Bandhigidda Qorshaha ayaa ka dambeysay amarkii Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ee ku saabsanaa dardargelinta arrimaha doorshooyinka si loo hubiyo in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here