Xog Fahad Yaasiin Oo Xilka Qaadis Culus Sameeyey iyo magacaabis

0
8

War goordhaweyd Oo Casirkii ah kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in Xilka qaadis lagu sameeyey Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waxa uu Xilka ka qaaday Ibraahim Macalin oo ahaa Taliyaha NISA Ee Gobolka Banaadir.

Waxa lagu sheegay in isbadel Amni ku saabsan tahay Xilka qaadistani,waxaana si kumeel gaar ah loo magacaabay Ciise Maxamed Ciise.

Lama oga Xilkaan inuu si rasmi ah usii heyn doono iyo in kale Taliyaha la magacaabay sida kusimaha ah.

Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca Dilal iyo Qaraxyo ay Sheegtaan Mas’uuliyadeeda Al Shabaab,inta badana waxaa Shaqadii NISA loo weeciyey Dhinaca Booliska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here