XOG: DF oo ciidamo Itoobiyan ah ku qabsaneyso degmooyin muhiim ah oo ka tirsan J.land

0
5

Ciidamo Itoobiyan ah o wata dabaabaadka dagaalka ayaa qarka u saaran iney gudaha u galaan deegaano ka tirsan Jubbada Dhexe,gaar ahaan goobaha ay ku xooggan yihiin ciidamada maamulka Axmed Madoobe.

Sida wararka aanu ku helnay,ciidamada Itoobiyanka ah ayaa waxaa wehlinaya ciidamo kale oo Soomaali kuwaas oo dhawaan ka qabsaday gobolka Gedo ciidanka Jubbaland.

Ciidamadan ayaa ujeedkooda wuxuu yahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen degmooyin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe,halkaas oo ay Dowladda Federaalka dooneyso iney doorasho ku qabato.

Dowladda Federaalka ayaa wali aqoonsan natiijada doorashadii uu ku soo baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,wuxuuna madaxweyne Farmaajo shaaciyay in doorashadaas ahayd mid lagu shubtay.

Axmed Madoobe ayaa hadda la heshiiyay mucaaradka isbedel doonka oo ka soo horjeeday,wuxuuna Dowladda Federaalka ugu baaqay iney miiska wada hadalka timaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here