arar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saakay ka dhacay dhabarka dambe ee Barxadda Iskaashatada Gaadiidka ee Degmada Xamar Weyne, islamarkaana u dhow madaxtooyada soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyootay, halka hal qof oo kalana uu ku dhaawacmay qaraxii Saaka ka dhacay magaalada muqdisho, sida ay goobjoogayaal sheegeen.
Labada qof mid ka mid ah ayaa magaciisa lagu sheegay Jaabir, waxaa uuna ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada ammaanka ee Dowladda.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid la dhigay Wadada dhinaceeda.