Saamileyda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata ineysan ku qanacsaneyn damaca madaxweyne Farmaajo ee doorashada 2021,kaas oo uu ku doonayo in dalka ay ka dhacdo doorasho dadweynaha ay codeeyaan.
Odoraso siyaasadeed la sameeyay ayaa muujineysa inuusan dalka xilligan diyaar u ahayn doorashada uu rabo madaxweyne Farmaajo ee uu ku cadaadinayo Baarlamaanka iney ogolaadaan.
Daraasado si kooban loo sameeyey ayaa waxay sheegeen in Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ubadan tahay siyaasad ama sanduleys mid ku timaada inuu xilka kusoo noqon karo.
Beesha caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa go’an in doorashada soo socota waqtigeeda ku dhacdo,islamarkaana loo ogolaan Dowladda hadda jirta mudo kororsi ay sameyso.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa baarlamaanka ka hor sheegtay in haddii loo baahdo muddo kororsi ay dhaceyso horayna dalkan uga soo dhacday,islamarkaana loo baahan yahay in Baarlamaanka ilaaliyo dastuurka dalka.
Marwo Khadiijo ayaa ku gacan seertay iney dhaceyso doorasho qof iyo cod ah,islamarkaana ku horgudban yihiin caqabado badan.
Mucaaradka dawlada waxay wacad ku mareen inaysan ogolaan doonin Extension (Muddo Kororsi) iyagoo sheegay in Dalka Dawladihii soo maray waxa keliya ay si sax ah uqaateen aheyd inay ka fogaadaan in xilligooda ay wax ku darsadaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa olole ugu jira sidii Baarlamaanka uga dhaadhicin lahaa in doorashada ay noqoto mid shacabka ay wax doortaan,islamarkaana laga gudbo doorasho aan mico ku fadhin oo horay loo soo maray lana soo dhadhamiyay natiijada ay leedahay.