XOG: Axmed Madoobe oo kulamo uu ku qancinayo mucaaradka ka wada Kenya

0
70

Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in wali uu kulamo xasaasi ah uu ka wado madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobo oo halkaas ku sugan.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa wuxuu Madaxweynuhu la qaatay xubno ka mid ah beesha caalamka, isagoo kala hadlay qodobo quseeya xaaladda dalka.

Sida aan xog hoose ku helnay, Axmed Madoobe ayaa xubnaha beesha caalamka ee uu la kulmay kala hadlay doorashada 2020/2021-ka, amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxaa kulamadaan lagu soo qaaday sidii ay beesha caalamka Jubbaland uga taageeri laheyd ka hortagga cudurka faafa ee Coronavirus.

Axmed Madoobe oo in muddo ah ku sugan gudaha dalka Kenya ayaa halkaasi kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan iyo madax ka tirsan dalkaasi.

Sidoo kale wuxuu heshiis horudhac ah Nairobi kula gaaray xubnaha mucaaradka ku ah maamulkiisa ee Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seerar, kadib gogol ay u dhigtay Kenya.

Arrimahaan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeyey dowladda goboleedka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ka soo bilowday doorashadii muranka dhalisay ee lagu qabtay magaalalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here