XOG: Axmed Madoobe oo ka degaya Muqdisho & Khilaafkiisa DF oo Weji kale Yeeshay

0
13

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay maalmaha soo socda ku wajahan yihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhinacyo isku tagay ayaa Axmed Madoobe ku qanciyay inuu si shuruud la’aan ku tago magaalada Muqdisho si loo wada hadal siiyo isaga iyo Madaxda Dowladda Federaalka.

Inkastoo cadeyn goorta rasmiga ah ee madaxweynaha Jubbaland gaarayo magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa la sheegayo marka uu yimaado la kulmayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Khilaafka ugu xooggan uu ka dhaxeeyo.

Xubnaha Beesha caalamka ayaa ku cadaadinaya Dowladda Federaalka iney la hadasho maamul goboleedyada dalka gaar ahaan kuwa khilaafka siyaasadeed kala dhaxeeyo ee Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadda wada hadal kulamo dib u heshiisiin ah oo uu la leeyahay xubnaha isbedelka Jubbaland iyo cid kasta oo ka aragti duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here