XOG: Axmed Madoobe Oo Bedelay Ilaaladiisii Gaarka Ka Dib Qorshe Halis Ah Uu Ka War Helay

0
22

Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland uu bedelay qaar ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada Jubbaland ayaa inoo sheegay in Axmed Madoobe uu talaabadan u qaaday sidii uu kaga taxadari lahaa amnigiisa iyo waliba iney ciidanka ugu soo dhex dhuuntaan xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale, arrintaan ayaa timid ka dib markii maalmo ka hor ay Al-Shabaab isku dhiibeen 7-ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u qaabilsan amniga madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,kuwaasi oo mudo xiriir hoosaad la lahaa Al-Shabaab Jubbaland ka howlgala.

Ku dhowaad 20- askari oo ka tirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Jubbaland ayaa dib loogu celiyay xerada ciidanka ka dib mar ka soo baxay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo laftiisa horay uga tirsanaan jiray Saraakiisha Al-Shabaab,balse markii dambe ka goostay.

Arrintaan ayaa loo sababeynayaa ka dib markii ciidanka Jubbaland ay xuquuqdoodii asaasiga ahaa ay ka waayeen maamulka oo mud cadaadis kala kulmay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa horay uga digay tallaabada Dowladda Federaalka ku cunaqabateyneyso Jubbaland dhibaatooyin loo aayi doonin ka dhalan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here