Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka iney yimaadaan miiska wada hadalka si xal waara looga gaaro Khilaafka jira.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uusan ahayn Republic ama Dowlad madax banaan,balse uu yahay Dowlad goboleed xubin ka ah Federaalka,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in wax kasta oo khilaaf ah jira in wada hadal lagu dhameeyo.
Wuxuu sheegay in hadda ka dib uu madaxtooyada isku soo xirayo,islamarkaana uu joojinayo kulamada,maadama uu jiro caabuq halis ku ah caafimaadka oo si fudud ku faafaya.
Khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku sii shareeraya,waxayna Beesha caalamka ku baaqday in kala aragti wanaansahaha wada hadal lagu dhammeeyo.