Xildhibaano Somali-Kenya ah oo Muqdisho yimid & Dowladda Kenya oo ka war heshay qorshaha

0
21

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aya sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlabaanka Kenya lagana soo doorto dhulka Soomaalida aya booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa waxaa marti qaaday Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya NISA Fahad Yasin iyo MW Farmaajo waxaana la sheegay in ujeedka loo keenay uu yahay in ay diyaariyaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Kenya isla markaana qalqal siyaasadeed laga abuuro gudaha Kenya iyadoo la sameeynayo ciidamo gaar ah oo jooga xuduudda Soomaliya iyo Kenya iyagoo la dagaalamaya waxa aay ugu yeereen cadowga Soomaalida ee haysta deegaanada xuduudda Soomaaliya iyo Kenya kuwaasoo loola jeeda ciidamada AMISOM ee Kenya iyo ciidanka maamulka Jubbaland.

Mid ka mid ah xildhibaanada oo ka qeyb shirka ayaa sheegay “In Farmaajo diyaar u yahay in uu ku bixiyo dhaqaale sidii looga hortagi lahaa taageerada ay dowladda Kenya siiso Jubbaland.”

Sida Tebiyenews loo xaqiijiyay waa markii ugu horreeysay in masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Kenya aay tagaan Somaliya iyadoo aanay ka warhayn dowladda Kenya

Arrintan ayaa daba socoto fartiintii ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay taasoo aay kaga ashtakootay in Kenya ay ku xadgubeyso qaranimada Soomaaliya sida darteedna ay Soomaaliya isticmaaleyso Article 35 ee sharciga Qaramada Midoobay isla markaana ay difaacan doonto dalkeeda.

Tallaabadan ayaa la aaminsan yahay in aay qatar ku tahay amniga geeska Afrika iyo danaha uu Mareykanka ka leeyahay si loo dabargooyo ururka argagixisada ee Shabaab.

Lama oga tallaabada xigta ay dowladda Kenya qaadi doonto.

Sida Tebiyenews loo xaqiijiyay wafdiga qarsoodiga ah ayaa midkiiba la siiyo $22 KUN doollar oo lagu sheegay in ay tahay sooryo waxaana ka mid shaqsiyaadka hoos ku qoran

Mude Hire
Dahiye
Major bashir
Kulow
Omar
Ahmed
Eng bashane
Aden haji
Kolosh
Aden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here