Xildhibaankii Al-Shabaab gaariga kala dageen oo la dilay

0
5

Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay maanta dileen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabaab,kaas oo saakay Al-Shabaab ay kala dageen gaari uu saarnaa.

Mid kamid ah Carruurta uu dhalay Xildhibaanka ayaa Risaala u xaqiijiyay,waxaana la sheegay inay ku dileen degaanka yaaqle oo kaid ah degaannada hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaanka ayaa saaka Gaari kasoo raacay Magalada Jowhar, isaga oo kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho,hayeeshee waxaa la sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gaariga kala dageen xilli uu marayay duleedka Tuulada Gololeey oo ku taalla wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaankii saaka gaariga lagala degay ay dileen, iyada oo weli aysan ka hadlin Madaxda Maamulka Hir-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here